Booliska INTERPOL iyo AFRIPOL |
Arbaco, (Caaqil News), Booliska caalamiga ah ee INTERPOL iyo kan Afrika ee AFRIPOL ayaa iska kaashaday howlgal ballaaran oo ka dhan ah argagixisada, kaas oo ka dhacay Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto. Howlgalkaan, oo socday labadii bilood ee ugu dambeeyay sanadkii 2024, ayaa lagu soo xiray 37 qof oo looga shakisan yahay falal argagixiso, waxaana la qabtay hub fudud iyo mid culus labadaba.
Dadka la soo xiray waxaa ka mid ah xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Daacish, Al-Shabaab, iyo dagaalyahanno shisheeye ah. Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in la bartilmaameedsado kooxaha argagixisada iyo shakhsiyaadka la shaqeeya.
Soomaaliya gudaheeda, mas’uuliyiintu waxay xireen saddex qof, oo ay ku jirto haweeney lagu tuhunsan yahay inay farsameyn jirtay walxaha qarxa, kuna shaqeyn jirtay qaybta Amniyaatka ee Al-Shabaab. Haweeneydan ayaa la rumeysan yahay inay diyaarin jirtay bambooyinka guryaha lagu sameeyo, bartilmaameedkeeduna ahaa ciidamada ammaanka iyo milatariga.
Sidoo kale, mid ka mid ah dadka la xiray ayaa ahaa xubin ka tirsan Al-Shabaab oo loo haysto weerarro uu ku qaaday goobo booliisku leeyihiin, isagoo isticmaalay bambooyinka gacanta laga tuuro.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay siddeed dal oo Bariga Afrika ku yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, iyo Mozambique. Kahor inta uusan bilaaban, waddan kasta oo howlgalka ka qeyb galay wuxuu diyaariyay qorshe hawleed, isagoo ururiyay xogaha sirdoonka ee la xiriira bartilmaameedyada argagixisada, si loo suurtageliyo guusha howlgalkan caalamiga ah.