Isniin, (Caaqil News), Booliska Magaalada Garoowe waxay saakay bilaabeen raafka dhammaan ajaanibta aan sharciyeysneyn ee ku sugan magaalada, iyadoo la fulinayo go'aannadii ka soo baxay dowladda Puntland.
Ciidanka ammaanka magaalada ayaa qabqabasho ku haya qof kasta oo ajnabi ah oo aan sharci ku joogin Garoowe, taas oo daba socota go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Go’aankaas ayaa sheegay in laga bilaabo 25-ka Janaayo 2025 aysan ajaanibta sharci la’aanta ah joogin karin deegaannada Puntland, islamarkaana aysan heli karin guryo kiraysan ama shaqooyin.
Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Puntland ayaa ku dhawaaqday in xuduudaha Puntland aysan soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah. Waxaa la faray hay’adaha, shirkadaha ganacsiga, wershadaha, xarumaha caafimaadka iyo kuwa waxbarashada in ay 72 saacadood gudahood ku soo diiwaangeliyaan ajaanibta ay u shaqaaleysiiyeen, si loo hubiyo aqoonsigooda iyo cidda mas’uul ka ah.
Waxaa la farayaa cid kasta oo ajaanib dalka keentay ama soo gelisay, sida shirkadaha ganacsiga, wershadaha, xarumaha caafimaadka iyo xarumaha waxbarashada, in ay mudda 72 saac gudahood ah ku soo diiwaan-geliyaan ajaanibta si loo xaqiijiyo amnigooda iyo cidda mas'uuliyadda qaadaysa," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda Amniga Puntland.