Caalamka: Golaha Wasiirada Israel oo cod u qaadaya heshiiska lala galay Xamaas

 


Jimce, ( Caaqil News),  Golaha Wasiirada Israel wuxuu maanta wada in cod u qaada heshiis xabad joojinta ee lagu dhexeeyey Israa'iil iyo Gaza, kana horseeday sii deynta maxaabiis lagu kala hayo labada dhinac. Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxaa la filayaa inuu soo bandhigo qodobada heshiiska si uu u helo taageerada xubnaha golaha.


Inkastoo, warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in codeynta laga yaabo inay dib uga dhacdo maanta oo Jimce ah, ilaa Sabtida, haddana waxaa muuqata in inta badan xubnaha golaha ay taageersan yihiin heshiiska. Taasi waxay horseedi kartaa ansixinta heshiiska, inkastoo aysan weli caddayn in heshiiska lagu ansixin doono maanta ama Sabtida.

Heshiiskan ayaa si weyn uga biyo diiday xubnaha xagjirka ah ee xukuumadda Netanyahu, sida Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir, iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich. Labadan wasiir ayaa muddo dheer diidanaa xabad joojinta, iyagoo ku adkeysanaya in dagaalka lagula jiro Xamaas uu yahay mid muhiim ah si awooddooda militari loo wiiqo.

Itamar Ben-Gvir ayaa Khamiistii ku hanjabay in xisbigiisa, Otzma Yehudit, uu ka bixi doono isbahaysiga dowladda haddii xabad joojinta la dhaqan geliyo. Dhanka kale, Bezalel Smotrich ayaa shuruud uga dhigay taageeradiisa in dagaalka dib loo bilaabo marka uu dhammaado wejiga koowaad ee xabad joojinta.

Heshiiska sidoo kale waxaa saameyn ku leh cadaadiska ka imaanaya Madaxweynaha hore ee Mareykanka, Donald Trump, oo ku adkeysanaya in heshiiska lagu dhaqan geliyo si uu u dhaqangalo maalinta Axadda ee la qorsheeyay inuu ka bilaabmo Marinka Gaza.

Waxaa weli jira su'aalo ku saabsan mustaqbalka heshiiskan iyo haddii uu taageero buuxda ka heli doono Golaha Wasiirada Israel, iyadoo xaaladda siyaasadeed ay tahay mid aad u kacsan.


Previous Post Next Post