Isniin, (Caaqil News), Wararka ka imaanaya deegaano hoos taga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada NISA ee qeybta Galmudug ay xalay gacanta ku dhigeen laba gaari oo siday shidaal iyo agab kale oo lagu tuhmay in loo waday kooxda Al-Shabaab.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in labada gaari iyo raggii waday lagu qabtay deegaano hoos yimaada degmada Baxdo, waxaana loo gudbiyay taliska NISA ee degmada Cadaado ee isla gobolka Galgaduud.
Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ay ciidamadu kusoo qabteen labada gaari ayaa sheegay in baaritaanno ay ku socdaan raggii waday gawaaridaas, kuwaas oo loo malaynayo iney u socdeen dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa wajahaysa cadaadiskii ugu cuslaa ee ku saabsan deegaanada Galmudug. Ciidamada xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo darawishta Galmudug ayaa ku guuleystay xakameynta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee goobaha gabaadka ay ka dhigteen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horey dhowr jeer u qabtay gawaari kooxda Al-Shabaab u siday shidaal iyo agabyo kale.
Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay wadeen howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug.
"bbc somali"