Dagaal maanta ka dhacay degmada dayniile ee magaalada Muqdisho (AKHRI)

 

Magaalada Muqdisho 

Arbaco, (Caaqil News),  Wararka ka imaanaya degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad hubeysan oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu goordhow ka dhacay xaafadda Gubta.


Iska hor imaadkaan ayaa dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo rag hubeysan oo la sheegay inay ku howlanaayeen dhaca dadweynaha. Warar kale oo hoose ayaa tilmaamaya in raggaasi ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ilo ku sugan degmada Deyniile ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay laba ka mid ah ragga hubeysan, taasoo sababtay in muddo kooban uu hakad ku yimaado dhaqdhaqaaqii xaafadda Gubta. Markii dambe, ciidamo isugu jira kuwa nabad-sugidda iyo booliska milatariga ayaa gaaray goobta, iyagoo xaqiijiyay amniga.

Ilaa iyo hadda, saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ma aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan iska hor imaadka dhacay. Weerarkan ayaa yimid iyadoo maalmihii lasoo dhaafay xaaladda ammaan ee Muqdisho la tilmaamay inay ahayd mid degan.


Previous Post Next Post