Africa |
Khamiis, (Caaqil News), Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa si rasmi ah u aqbalay ka bixitaanka dalalka Niger, Mali, iyo Burkina Faso, taasoo xirmeysay sanad uu xiriirkoodu sii xumaanayay.
Bayaanka kasoo baxay ECOWAS Arbacadii ayaa si cad u xaqiijiyay in saddexdan dal ay si buuxda uga baxeen ururka, taasoo calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, ECOWAS waxay ku boorrisay 12-ka dowladood ee weli xubnaha ka ah ururka in aysan xirin xuduudaha ganacsiga, isla markaana ay sii aqoonsadaan baasaboorrada dalalka baxay, ilaa amar dambe.
Bayaan kale oo la sii daayay, ururku wuxuu casuumaad u diray Mali, Niger, iyo Burkina Faso si ay uga wada hadlaan mustaqbalka xiriirkooda, iyagoo sidoo kale muujiyay in ay diyaar u yihiin in dalalkani dib ugu soo laabtaan ururka mustaqbalka.
Xiriirka ECOWAS iyo saddexdan dal wuxuu xumaaday kaddib afgambigii militariga ee bishii July 2023 xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee Niger, Maxamed Baazuum. ECOWAS waxay markaas dalbatay in dib loogu celiyo awoodda, waxayna xitaa ku hanjabtay faragelin militari.
Arrintaas waxaa uga falceliyay Niger, Mali, iyo Burkina Faso oo si wadajir ah ugu dhawaaqay in ay isaga baxayaan ECOWAS, iyagoo taa beddelkeedii sameystay isbaheysi cusub oo la yiraahdo Isbaheysiga Saaxil, waxayna xiriir dhow la yeesheen dowladaha Ruushka, Turkiga, iyo Iran.