DFS oo kiraysatay shirkad Maraykanka ah oo Donald Trump u dhow si usan marakanku ula bixin ciidamadiisa (Warbixin)

 

Somalia 

Arbaco, (Caaqil News),  Iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu markale go’aansado in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya, ayay kireysatay shirkad lobiis ah oo fadhigeedu yahay Washington DC, si ay u difaacdo mowqifkeeda.


Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Xasan Carab, ayaa dhammaadkii bishii November ee sannadkii hore la saxiixday heshiis hal sano ah oo qiimihiisu yahay $600,000, kaas oo lala galay shirkadda BGR Group. Shirkaddan, oo ay aasaaseen saraakiil iyo qareenno Jamhuuriyiin ah, ayaa si dhow ula shaqeysa siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga, oo uu Trump hoggaamiyo.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa dhammaadkii muddadii hore ee xilkiisa ka saaray ciidamada Mareykanka Soomaaliya, hase yeeshee, madaxweynihii isaga beddelay, Joe Biden, ayaa dib ugu celiyay. Hadda, dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in Mareykanka uu sii wado taageerada milatari ee uu siiyo Soomaaliya, taas oo ay u aragto mid muhiim u ah dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee ka howlgala dalka.

Shirkadda BGR Group waxaa aas-aasay barasaabkii hore ee gobolka Mississippi, Haley Barbour, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Xubnaheeda waxaa sidoo kale ku jira Tom Locke, oo horey u soo noqday ku-xigeenka kaaliyaha agaasimaha FBI-da. Dowladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa in iyada oo adeegsanaysa shirkaddan ay saameyn ku yeelato go'aannada xukuumadda Trump, haddii uu markale xilka la wareego.


Previous Post Next Post