Axad, (Caaqil News), Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan Ciidanka Macawiisleyda, Cali Jeyte Cismaan, ayaa abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada gobolka Hiiraan.
"Hiiraan online wararka maanta "
Masuuliyiintaan, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan nawaaxiga degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan, ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka faray iney u diyaar garoobaan dagaalka lagu xoreynayo qeybaha ay Al-Shabaab ka joogaan Hiiraan.
Puntlandpost.net
Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, oo furimaha dagaalka kula hadlay ciidamada iskaashanaya, ayaa sheegay in la joogo xilligii Al-Shabaab la soo afjari lahaa. “Waxaa la idinka doonayaa inaad ka qeyb qaadataan dagaalka lagu xoreynayo dalka. Waa in aan iska qabanaa dadka ku dhexjira Al-Shabaab, waxaana rabnaa in cadowga meel kasta oo uu joogo loogu tago si dhibaatada looga xoreeyo shacabka,” ayuu yiri.
Sahal Abdulaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa ay sheegeen diyaar garowga dowladdu wax walba oo loo baahan yahay si dalka uga xoreyso Al-Shabaab. "Maanta waa fursad, dowladda iyo ciidamada xoogga dalka waa garabkiina, wax walbana waa diyaar, hadday tahay saad, hub, rasaas iyo dhammaan qalabkii lagula dagaalami lahaa Khawaarijta," ayuu yiri.
Dhanka kale, Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan Ciidanka Macawiisleyda, Cali Jeyte Cismaan, ayaa faray ciidamada inay soo hooyaan guulo la taaban karo oo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab looga gaaro, isaga oo ku boorriyay in guulahaas ay muhiim u yihiin xoraynta gobolka.