Somalia |
Khamiis, (Caaqil News), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay Shir Madaxeedkii 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasoo looga hadlayay xiisadda dagaal ee ka taagan Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Shirka oo habka fogaan aragga ah loo qabtay ayaa diiradda lagu saaray xasillooni darrada sii kordheysa ee DRC, iyadoo Madaxweynuhu uu la wadaagay madaxda kale ee EAC sida dowladda Soomaaliya uga walaacsan tahay xaaladda ka sii daraysa ee dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhinacyada is haya in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda, ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka si loo helo xalka ugu habboon. Isagoo ka hadlayay waayo-aragnimada Soomaaliya ee dagaallada sokeeye, wuxuu xusay cawaaqibka halista ah ee ka dhasha colaadaha daba-dheeraada, wuxuuna ku adkeeyay dhinacyada dagaallamaya in ay ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Ugu dambayn, hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galay shirka ayaa isla qaatay in la qabto shir degdeg ah oo ay si wadajir ah u yeeshaan madaxda EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC), si ay uga wada hadlaan colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.