Puntland oo shacabka ugu digtay in aan la dhibaatayn ajaanibta

 

Maamulka Puntland 

Khamiis, (Caaqil News),  Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa ka hadashay ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, kaddib markii dadweyne caraysan ay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ku beegsadeen dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Puntland.


War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu, ayay ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in shacabka Puntland ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga fulinaya, iyadoo loogu baaqay in laga fogaado wax kasta oo xadgudub ku ah sharciga.

Wasaaraddu waxay shacabka xasuusisay in Puntland tahay deegaan ku dhisan sharci iyo kala dambayn, laguna saleeyay mabda’a dhowridda nafta, hantida, karaamada iyo xuquuqda qofka.

“Sidaas darteed, wasaaradda waxa ay mar kale ugu baaqaysaa shacabka in ay ka fogaadaan falalka sharci-darrada ah, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha ku shaqada leh la xisaabtanka cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo amniga Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay inay la kaashanayso bah-wadaagta kale ee Puntland si ay si sax ah u kala saaraan dadka sharciyada ku jooga iyo kuwa aan haysan oggolaansho rasmi ah, si loo xaqiijiyo in sharciga la waafajiyo ciddii jebisa.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii shalay Puntland ay magaalada Garoowe ka tarxiishay in ka badan kun muhaajiriin ah oo kasoo jeeda Ethiopia, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay laga qabtay kantaroolada Garoowe iyo xaafadaha magaalada.


Previous Post Next Post