Axad, (Caaqil News), Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tirada carruurta Falastiiniyiinta ah ee lagu dilay dagaallada ka socda Gaza 15-kii bilood ee lasoo dhaafay ay ka badan tahay 13,000, halka kuwa dhaawacmayna ay gaareen 25,000.
Xafiiska Iskuduwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegay in tirada meydadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday ee gudaha Gaza ay kor u dhaafayaan 40,000 oo qof, saddex meelood hal meelna ay yihiin carruur.
Hay'adda UNICEF, oo ah tan Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta, ayaa dhankeeda sheegtay xog ay ka heshay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo muujineysa in tirada carruurta ku dhaawacantay dagaallada ay gaartay 25,000.
Qaramada Midoobay ayaa hore ugu tilmaamtay Gaza inay tahay meesha ugu halista badan caalamka ee carruurta ku noolyihiin.
Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu argagaxa badnaa ee ka dhacay Gaza ayaa ahaa weerarkii Israa’iil ku qaaday Isbitaalka Al-Ahli Arab 17-kii Oktoobar 2023, kaas oo ay ku dhufteen gantaallo culus. Weerarkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 500 oo qof oo rayid ah, intooda badanna ay ahaayeen carruur.
Sidoo kale, warbixinno ayaa muujinaya in carruur badan oo reer Falastiin ah ay isbitaallada ku dhinteen sababo la xiriira nafaqo-darro ba’an, maadaama ay adkeyd in gurmad bani’aadannimo ama daawooyin la gaarsiiyo dadka ku nool Gaza.
Dhawaan, xaaladda Gaza ayaa noqotay mid deggan, kadib heshiis xabbad-joojin ah oo ay wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas. Labada dhinac ayaa sidoo kale isweydaarsaday maxaabiis ay kala haysteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.
"Hiiraan online wararka maanta
Puntlandpost.net
bbc somali
voa somali "