Washington |
Khamiis, (Caaqil News) , Diyaarad rakaab ah oo siday 64 qof iyo helikobtar uu leeyahay milatariga Mareykanka ayaa xalay isku dhacay hawada ku dhow magaalada Washington, D.C.
Shilka ayaa dhacday xilli diyaaradda rakaabka, oo ay leedahay shirkadda American Airlines, ay kusii dhowaanaysay garoonka Ronald Reagan ee magaalada Arlington, Virginia. Labada diyaaradood ayaa isku dhacay, waxaana ay ku dhaceen wabiga Potomac, oo kala qeybiya Washington iyo waqooyiga gobolka Virginia.
Laamaha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa howlgal ballaaran ka wada goobta shilka, iyadoo wali la xaqiijinayo khasaaraha ka dhashay dhacdadan.
Duulimaadyadii ka imaanayay iyo kuwii ka baxayay garoonka Ronald Reagan ayaa si kumeelgaar ah loo hakiyay, iyadoo mas'uuliyiintu ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay shilka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray, in si buuxda looga warbixiyay shilkan, isagoo u duceeyay dadka ay suurtagalka tahay in ay waxyeello soo gaartay.
Diiyaaradda rakaabka ah waxa ay kasoo duushay magaalada Wichita ee gobolka Kansas, halka helikobtarku, oo ahaa nooca Black Hawk, uu kasoo kacay saldhigga milatariga Mareykanka ee Fort Belvoir, oo ku yaalla Alexandria, Virginia.
Sida ku cad wararka hordhac ah ee laga helayo milatariga Mareykanka waxaa sheegaya in helikobtarka ay la socdeen saddex askari, inkastoo aan weli la shaacin xaaladdooda.
Goobta uu shilku ka dhacay ayaa u jirta qiyaastii saddex mayl Aqalka Cad, taasoo sare u qaaday feejignaanta hay'adaha amniga ee magaalada Washington.