Talaado, (Caaqil News), Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u joojiso dhammaan barnaamijyadeeda taageerada dhaqaale ee caalamiga ah, marka laga reebo kuwa Israa’iil iyo Masar.
Go'ankan ayaa yimi xilli Mareykanku hore u ballan-qaaday malaayiin doollar oo lagu taageerayo dadaallada horumarinta iyo xoojinta bulshada Soomaaliyeed. Bishii Oktoobar 2024.
Mareykanka iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis lagu maalgelinayo $68.5 milyan, kaas oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhallinyarada.
Heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa ballan-qaad lagu ballaarinayo barnaamijyada waxbarashada, iyadoo la qorsheynayay in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay ka faa'iideystaan, laguna dayactiro in ka badan 200 oo fasal. Sidoo kale, bishii Diseembar 2024, USAID waxay ku dhawaaqday $29 milyan oo dheeri ah oo wax looga qabanayo cunto-yaraanta iyo nafaqo-xumada ka jirta Soomaaliya. Lacagtaasi waxay diiradda lagu saarayay sugnaanta cuntada iyo xoojinta u adkeysiga bulshada maxalliga ah ee la tacaalaya saameynta isbeddelka cimilada.
Hase yeeshee, hakinta barnaamijyada USAID ayaa durba walaac xooggan ka abuurtay Soomaaliya, oo si weyn ugu tiirsan gargaarka caalamiga ah si loo maareeyo xaaladaha nololeed ee adag. Go'aankan ayaa si gaar ah u saameyn kara qoysaska nugul ee ka faa'iideystay barnaamijyada waxbarashada, caafimaadka, iyo sugnaanta cuntada.
Tallaabadan cusub waxay sidoo kale ku soo beegantay xilli USAID ay dhawaan ku dhawaaqday mashruucyo cusub oo shan sano ah, kuwaas oo ku kacaya $28 milyan, looguna talogalay horumarinta hab-nololeed waara iyo xoojinta raasamaalka bulshada Soomaaliyeed.
Wadarta guud ee ballan-qaadyadii USAID ee Soomaaliya intii u dhaxaysay Oktoobar 2024 iyo Janaayo 2025 ayaa gaaraysay $125.5 milyan. Si kastaba ha ahaatee, hakinta cusub ee barnaamijyada ayaa abuuraysa hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka taageerada Mareykanka ee Soomaaliya.