Axad, (Caaqil News), Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Sugiddaiyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mudane Fahad Yaasiin, ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa X waxa uu ku baaqay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, wax ka beddelo siyaasadda dowladdiisa ee ka dhanka ah Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.
Fahad ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yiri: "Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma laha. Marka labada orod midkood ha daayo."
Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale ku tilmaamay in xaaladaha qaarkood, haddii aan la daweyn karin, loo baahan yahay in lagu noolaan karo xal ku-meel-gaar ah. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awoodin inay wax ka qabato taageerada saddex dowladood oo ka garabsiinaya Axmed Madoobe, kuwaas oo uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dano dhaqaale oo shakhsi ah ku qabo labo ka mid ah dowladahaasi.
Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood, oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo ka mid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Qoraalkiisa ayuu kusoo gabagabeeyay isagoo ku baaqay in nabadda laga doorbido colaadda. Wuxuu yiri: "Nabad iyo colaad waxaa hadda dhow in la qaato nabadda. Dowladdii horaba, markay aragtay xaalka, waxay aqbashay inay xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo."