Isniin, (Caaqil News), Ciidamada amniga Puntland ayaa saakay barqadii lagu weeraray qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida u haboon warkan, qaraxa lala beegsaday mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo marayay nawaaxiga tuulada Tasjiic ee gobolka Bari. Ugu yaraan lix askari ayuu ku geeriyooday qaraxan, halka tiro kale oo intaas ka badan ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa tilmaamaya in qaraxu ahaa miino dhulka lagu aasay. Waxaa la tuhunsan yahay in kooxda Daacish, oo maalmahan wajahayay guluf dagaal oo kaga imaanaya ciidamada Puntland, ay ka dambeyso weerarkan.
Labo maalmood ka hor, masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa booqday deegaanka Tasjiic si ay bulshada deegaanka uga soo uruuriyaan taageero xoolo ah oo loogu talagalay dhiirrigelinta ciidamada amniga ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Ciidamada Puntland ayaa horey ula kulmay qaraxyo inta ay ku guda jireen howlgallada ka dhanka ah Daacish. Si kastaba ha ahaatee, qaraxan ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ay ciidamadu la kulmaan bilihii ugu dambeeyay.