Talaado,14 January 2025 (caaqil News ), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa bogaadiyay dagaalka culus ee ay ciidanka Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ka soconaya dhulka buuraleyda Puntland.
Wasiir Alcadaala ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka lagaga ciribtirayo kooxda Daacish.
"Hambalyo iyo bogaadin Geesiyaasha Daraawiishta Puntland oo Buuraha ku baacsanaya Khawaarijta Daacish. Waxaa garabkiina taagan Qarankiinna iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Khawaarijtu waa cadaw si siman halis ugu ah dadka Soomaaliyeed, ciribtirkoodana waa in loo midoobaa," ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.
Hadalka Wasiir ku xigeenka ayaa kusoo aadaya iyadoo dagaallo culus oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish ay ka socdaan dhulka buuraleyda Puntland, gaar ahaan buuraha gobolka Bari.
Shalay ayay ahayd markii dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo la sheegay in ay ku jireen afar xubnood oo ajnabi ah.
Dagaalladaasi waxay muujinayaan dadaalka joogtada ah ee lagu doonayo in lagu ciribtiro kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya ammaanka iyo xasilloonida dalka Soomaaliya.