Wararka maanta || dowladda Qadar oo ku dadaalaysa si ay u joojiso dagaalka Gaza

 

Warka maanta

  

● Qatar, oo dhex-dhexaadin ka wadda dagaalka Gaza, ayaa Jimcihii u gudbisay ergayga Bariga Dhexe u qaabilsan Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, Steve Witkoff, warbixin ku saabsan wada-hadalladii xabbad-joojinta ee Gaza oo ay isla wadeen Masar iyo Mareykanka.


Kulanka oo ka dhacay Doha, ayaa Ra’iisul Wasaare Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani wuxuu Witkoff kala hadlay “xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in xabbad-joojin lagaga gaaro Marinka Gaza,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar.

Horraantii bishan, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa bilaabay dadaal cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza iyo sidii loo sii dayn lahaa tobanaan maxaabiis ah oo Israa'iiliyiin ah, kuwaas oo weli lagu haysto dhulka Falastiin.

Ilo-diplomaasiyadeed ayaa tilmaamay in cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Xamaas iyo Israa'iil uu sii kordhayo, si ay heshiis ku gaaraan wadahadallada dadban ee socda.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa Khamiistii sheegay in "horumar dhab ah laga gaaray" wada-hadallada.

Dhinaca kale, Donald Trump oo uga digay Xamaas in, sida uu hadalka u dhigay, ay wajihi doonaan "naar" haddii aysan sii dayn maxaabiista ku harsan ka hor caleema-saarkiisa 20-ka Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, uu doorbidayo in heshiis la gaaro xilliga Trump uu xilka la wareego, halkii uu heshiiska ka dhici lahaa maalmaha ugu dambeeya ee madaxtinimada Joe Biden.
Previous Post Next Post