Wararka maanta || Qaramada Midoobay oo eedaysay Ciidanka militeriga Israa’iil

 


● Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay hawlgalka Israel ee Gaza iyo is hortaagga ay ku hayso kaalmada bani’aadantinimo ee naf-badbaadinta ah.


Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric, ayaa ku eedeeyay Israel in ciidamadeeda ay si ula kac ah u xanibayaan gargaarka bani’aadantinimo ee si degdeg ah loogu baahan yahay.

“Khamiistii, kaliya 10 ka mid ah 21 dhaqdhaqaaq bani’aadantinimo oo la qorsheeyay ayay Israel ogolaatay. Toddobo waa si toos ah loo diiday, saddex waa la hor istaagay, midna waxaa loo kansalay caqabadaha amniga iyo saadka awgood,” ayuu yiri Afhayeenka shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada New York.

Afhayeenka ayaa Israel ugu baaqay inay si degdeg ah oo ammaan ah u ogolaato gawaarida gargaarka inay adeegsadaan waddooyinka, si gargaarka loo gaarsiiyo goobaha caafimaadka ee xaaladda adag ku jira.

Dujarric ayaa carabka ku adkeeyay in carqaladeynta gargaarka Gaza iyo shidaal la'aanta ka jirta isbitaallada yar ee shaqeynaya ay khatar gelinayaan adeegyada naf-badbaadinta.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa si aad ah uga walaacsan hawlgalka wejiyada badan leh ee Israel ka waddo Marinka Gaza, kaas oo halis weyn ku haya dadka rayidka ah.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay saameynta shidaal yarida ee ka jirta Gaza, taas oo halis ku ah adeegyada aasaasiga ah.



Previous Post Next Post