Wararka maanta || SSC-KHAATUMO oo ku dhawaaqday dagaal inay ku qabsan doonto magaalada Ceerigaabo


● Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa xalay khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Laascaanood, isagoo ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan inay awood ciidan ku qabsadaan magaalada Ceerigaabo, oo ah xarunta gobolka Sanaag.


Magaalada Ceerigaabo, oo hore loogu wada degganaa heshiis qabiil oo afar beelood ah, ayaa dhawaan la wareegay ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad ka soo duulay galbeedka gobolka Sanaag. Arrintan ayaa sababtay in lagu kala qaxo magaalada Ceerigaabo.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in dhammaan shacabkii SSC-Khaatumo ee degganaa Ceerigaabo laga soo saaray, guryahoodii iyo dhulalkoodii-na ay kala qeybsadeen maleeshiyaadka Somaliland. Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in ay awood ciidan dib ugu qabsan doonaan magaalada Ceerigaabo.

Caawa halkan waxaan uga sheegayaa Reer SSC meel ay joogaanba in loo diyaar garoobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag inta gacanteenna ka maqan, si aynu u dhammaystirno halgankii aan u galnay dhulkeenna iyo masiirkeenna," ayuu yiri Cabdiqaadir Firdhiye.

Dhinacyada SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya muran dhuleed iyo colaad ku salaysan arrimo qabiil, taas oo sababatay dagaallo isdaba joog ah. Ilaa iyo hadda xal rasmi ah looma helin, iyadoo labada dhinac ay wadaan dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.


Previous Post Next Post