Warka caalamka: ciidanka Xamaas ayaa sii daayay maxabiis ayago dhaqan galinaya heshiiska xabad joojinta ah

 


Axad, (Caaqil News),  Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maqribnimadan wareejiyay saddex ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza, taas oo qeyb ka ah heshiiska xabad-joojinta iyo maxaabiis is-dhaafsiga ee iyaga iyo Israel.


Xoogagga Xamaas ayaa maxaabiistan ku wareejiyay Laanqeyrta Cas, si loogu gudbiyo dhinaca Israel. Wareejinta ayaa ka dhacday Fagaaraha Al-Saraya ee xaafadda Al-Rimal ee galbeedka Magaalada Gaza, iyadoo saddexda qof ee la sii daayay ay dhammaantood haween yihiin.

Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa xaqiijiyay in saddexdaasi qof lagu qaaday gaadiidkooda, si loogu gudbiyo xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo loogu wareejinayo Militariga Israel.

Militariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Laanqeyrta Cas ay la socodsiisay sii-deynta maxaabiistan, iyagoo tilmaamay inay hadda ku sii wajahanyihiin xuduudda u dhaxeysa Gaza iyo Israel.

Heshiiska xabad-joojinta ayaa dhigaya in maxaabiista lagu sii daayo shaqaalaha Laanqeyrta Cas, iyadoo labada dhinac ay raacayaan nidaamka lagu heshiiyay.

Xamaas iyo Israel ayaa Arbacadii ku heshiiyay qorshe saddex weji ah, kaas oo wejiga hore uu soconayo muddo 42 maalmood ah. Inta lagu jiro muddadaas, Xamaas ayaa ballan-qaadday inay sii deyn doonto 33 qof oo Israeliyiin ah, kuwaas oo isugu jira haween, carruur iyo dad waayeel ah.

Israel dhankeeda weli ma shaacin tirada maxaabiista ay sii deyn doonto muddadaas, hase yeeshee, Xamaas ayaa hore u codsatay in maalin kasta la sii daayo tobannaan maxaabiis Falastiiniyiin ah.


Previous Post Next Post