Warka caalamka || Dadka Ku dhintay Gaza oo la sheegay

 

Warka caalamka || Arbaco : Taariikhda 8/1/2015


46-kun oo qof ayaa lagu dilay weerarada ay Israel ka waddo Marinka Gaza, taasoo ku tusineysa in dagaalkeeda Gaza uu yahay mid aan kala sooc lahayn.


Wasaaradda Caafimaadka. ayaa maanta sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay Israel dishay 45,936 qof oo u badan haween iyo carruur.

Tiradii ugu dambeysay ee wasaaradda Caafimaadku cusbooneysiisay qayb kama mid ahan 40 qof oo maanta lagu dilay duqaymo ay Israel ka gaysatay qaybaha Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gasa ayaa sheegtay in 109,274 qof ay ku dhaawacmeen duqaymaha aan cidina loo meel dayeynin ee lagu hayo dadka reer Gaza.

Inta la og yahay in ka badan toban kun oo qof ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha. Dadka la la'yahay kuma ay jiraan dadka lagu xisaabiyay in dhinteen ama ay dhaawacmeen.

Ciidanka Cirka Israel ayaa u muuqdo kuwo xoojinaya duqaymahooda is daba jooga  ee ka dhanka  shacabka aan hubeysneyn, xilli Xamaas iyo Israel ay wada hadalo ku leeyihiin dalka Qatar, ayna jirto rajo   in heshiis la gaari rabo.

Israel ciidamadeeda ayaa wada weerarada ay ku leynayaan dadka rayidka  iyadoo barraha bulshada si toos  looga daaweynayo xasuuqa ay ka gaysanayaan meelaha ay shacabku ku badan yihiin. 
Previous Post Next Post