Warka caalamka || Arbaco : Taariikhda 8/1/2025 |
● Dowladda Lubnaan ayaa go'aansatay inay u gacan geliso Imaaraadka Carabta Cabd al-Raxmaan al-Qaradawi, oo ok abwaan iyo wiilka Sheekh Yuusuf al-Qaradawi.
Al-Qaradawi ayaa la xiray 28-kii Diseembar 2024 markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, kadib markii uu soo dhigay muuqaal uu kaga hadlayay afgambigii Suuriya, kuna baaqay in isbeddello kale ay ka dhacaan dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, iyo Masar.
Masar iyo Imaaraadka ayaa labaduba codsaday in loo soo gacan geliyo, iyadoo Lubnaan ay hadda aqbashay codsiga Imaaraadka.
Hay'adda Amnesty International ayaa ka digtay in haddii al-Qaradawi loo masaafuriyo Masar ama Imaaraadka, uu halis ugu jiro xarig sharci-darro, jirdil, iyo maxkamadeyn aan caddaalad ahayn, waxayna ugu baaqday Lubnaan inay diido codsiyadaas.
Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ee Ikhwaanul Muslimiin, ayaa geeriyooday 2022 kadib tobanaan sano oo uu ku noolaa Qatar.