Isniin, (Caaqil News), Baabuurta gargaarka ayaa si caadi ah ugu bilaabay inay galaan Marinka Gaza, sida ay xaqiijisay Hay'adda Cuntada Adduunka (WFP). Heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ayaa ogolaanaya in lix boqol oo baabuur gargaar ah ay maalin kasta galaan Gaza iyada oo aan wax carqaladeyn ah lagu sameyn kolonyada gargaarka.
Gawaaridii ugu horreysay ee gargaar sida ayaa maanta ka soo galay xuduudaha koonfurta iyo waqooyiga ee Gaza ay la wadaagto Israel. Kolonyo kale oo gargaar ah ayaa sidoo kale ka soo gudbay Isgoyska Rafah oo ku yaalla xadka Gaza iyo Masar.
WFP waxay sheegtay in 150 baabuur gargaar ah ay maalin kasta gayn doonaan Gaza, si ay u caawiyaan qoysaska ugu baahan, iyada oo la adeegsanayo marinada xudduudaha ee Masar, Jordan, iyo Israel. Hay’adda ayaa xaqiijisay in qulqulka gargaarka ee Gaza uu maalmaha soo socda gaari doono heerkiisii ugu sarreeyay, si kaalmo bani’aadantinimo loogu fidiyo dhammaan qaybaha Marinka Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNRWA ayaa sheegtay in 4,000 oo baabuur gargaar ah ay diyaar u yihiin inay galaan Gaza. Kala bar gawaaridan waxay sidaan cunto iyo bur si degdeg ah loogu caawiyo dadka ay xaaladda adag ku hayso.
Weerarada Israel ayaa sababay xaalad bani’aadantinimo oo aad u daran, taasoo keentay in Qaramada Midoobey ay ku baaqdo in la joojiyo dhibaatada shacabka aan hubeysnayn. Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa si degdeg ah uga shaqeynaya sidii wax looga qaban lahaa masiibadan, iyadoo la adeegsanayo heshiiska xabad joojinta.
Sahayda ugu badan ee loo gudbinayo Gaza waxaa ka mid ah raashiin, shidaal iyo dawooyin, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay dadka iyo goobaha caafimaadka. Waxaa sidoo kale la filayaa in la geeyo agabyo kale oo muhiim ah sida bustayaal, jiifka, iyo dharka qaboobaha, si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee dadka ku nool Gaza.
Qabowga ka jira Gaza ayaa sii xumeeyay xaaladda, iyadoo dad badan aysan haysan dhar ku filan oo dhaxanta ka celin kara. Qaramada Midoobey ayaa horey ugu baaqday in Israel ay dabciso go'doominta Gaza si dadka loogu fududeeyo helitaanka agabka muhiimka ah.