Isniin, (Caaqil News), Ilaa 90 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa laga sii daayay xabsiyada Israa'iil, iyagoo dib ula midoobay qoysaskooda, kaddib markii si rasmi ah loo dhaqan geliyay heshiiskii xabbad-joojinta ee Gaza.
90-ka qof ee Falastiiniyiinta ah ee xabsiyada laga sii daayay ayaa Israa'iil ku beddeshay 3 qof oo ka mid ah maxaabiista Xamaas ay ku haysay marinka Gaza, kuwaas oo iyaguna saacado ka hor gaaray gudaha Israa'iil.
Kala gudbinta maxaabiistan oo labada dhinac is-dhaafsadeen waxaa ka shaqeynayay hay'adda Laanqayrta Cas. Waxaana sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay labada dhinac is-weydaarsadaan maxaabiis dheeri ah.
Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee xabsiyada Israa'iil laga sii daayay ayaa intooda badan gaaray magaalada Ramallah, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen kumannaan qof oo reer Falastiin ah.
Is-dhaafsiga maxaabiistaan ee u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa dhacay kadib heshiis xabbad-joojin ah oo labada dhinac gaareen. Heshiiskaan ayaa yimid kadib muddo 15 bilood ah oo dagaallo culus ay dhexmareen, kuwaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 50 kun oo Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca in ka badan 110 kun oo kale tan iyo markii dagaalka uu billowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii.