Warka maanta || Ciidanka Soomaaliland iyo maleeshiyaad qabsaday deegaanka Jiidali

 

Warka maanta

● Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad beeleedyo abaabulan ayaa saaka oo Sabti ah la wareegay degaanka Jiidali, oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceerigaabo. 


Ciidamadan iyo maleeshiyaadka is garabsanaya ayaa ka soo duulay degaannada galbeedka gobolka Sanaag, iyagoo horay ugu guuleystay qabsashada magaalada Ceerigaabo, xarunta gobolka Sanaag.

Magaalada Ceerigaabo, oo ahayd meel lagu wada noolaa heshiis beeleed afar-dhinac ah, ayaa laga kala qaxay kaddib markii ay dhawaan qabsadeen ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad ka soo duulay galbeedka gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in qabsashada Jiidali ay qayb ka tahay dadaalka ciidamada Somaliland si ay isaga difaacaan in dib looga qabsado degmada Ceerigaabo. Jiidali, oo ah marin istiraatiiji ah, ayaa muhiim u ah ilaalinta gacan-ku-haynta Ceerigaabo.
Previous Post Next Post