Warka maanta || Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay Edayn kaga timid Puntland

 

Warka maanta | khamiis Taariikhda 9/1/2025



● Wasaaradda Beeraha ee Dowladda ayaa si faahfaahsan u sheegtay qorshaha loo qaybiyey 26 Cagaf oo Bangiga Aduunka ugu deeqay beeraleyda Soomaaliyeed, si loo dhiirrigeliyo koboca beeraha iyo taageerada danyarta Soomaaliyeed ee ku tiirsan wax-soosaarka beeraha.


Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in cagafyadan loo qaybiyey si waafaqsan mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska beeraha ee dalka, iyadoo laga duulayo baahiyaha deegaan walba.

Wasiirka wuxuu xusay in 20 ka mid   cagafyadan loo qoondeeyey mashaariicda horumarinta beeraha ee gobollada, halka 6-da kale ay yihiin kuwo guud ahaan loo wada leeyahay, si looga faa'iideeyo dhammaan bulshada beeraleyda ee Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in Puntland ay ka heshay laba ka mid  6-da cagaf ee wadajirka , iyadoo sidoo kale loo qoondeeyey $16 milyan oo loogu talagalay mashruuca FSRP ee kaabeyaasha iyo horumarinta beeraha Puntland.

Wasiirka ayaa caddeeyey in dowladda federaalka ok ay mudnaan gaar  siisay sidii cagafyadan iyo taageerada dhaqaale ee la xiriirta ay si hufan ugu gaari lahaayeen beeraleyda Soomaaliyeed. 'Ujeedkayagu waa inaan taageerno dadka danyarta ah , gaar ahaan beeraleyda, si aan kor ugu qaadno wax-soosaarka dalka, isla markaana aan ula dagaallanno saboolnimada iyo cunto yaraanta,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirku ku boorriyay dhammaan maamul-goboleedyada, gaar ahaan "maamulka Puntland" inay si hufan u maareeyaan deeqaha la siiyey, si loo hubiyo in beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ay si toos  uga faa'iideystaan taageeradan muhiimka  Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta in ay ka fogaadaan faafinta warar aan xaqiiqda ku salaysnayn oo abuuri kara mad-madow iyo kalsooni darro.

 

Previous Post Next Post