Warka maanta: dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib hawl galin doonayso warshadihii dowladda

 


Isniin, (Caaqil News),  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cismaan Daallo sheegay in wasaaraddu ay ku hawlan tahay sidii loo howlgelin lahaa warshadihii dalka ee hore u jiray. Wasiirku wuxuu hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyay Telefishinka Qaranka.


Cismaan Daallo ayaa tilmaamay in mashruucyada ay dowladdu fulinayso ay qeyb ka tahay dib u soo celinta xarumihii warshadaha dalka, kuwaas oo loo bandhigi doono ganacsatada si ay uga faa'iidaystaan isla markaana dib u dhis loogu sameeyo.

Wasiirka ayaa xusay in dhulka, qalabka, iyo agabka kale ee dowladda federaalka ay maamusho loo qorsheeyay in lagu shuraakoobo ganacsatada Soomaaliyeed ee daneynaya in ay dib u howlgelinayaan warshadihii hore. Tallaabadan ayaa lagu wadaa in ay abuuri doonto fursado cusub oo ay ganacsatadu ka faa’iidaystaan.

"Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxay noqonayaan shuraako si ay si wadajir ah u maalgashadaan xarumihii hore ee warshadaha dalka. Dowladda waxay bixineysaa dhulka iyo qalabka, halka ganacsataduna ay keeni doonaan hantidooda. Mashruucan ayaa hadda horyaalla Baarlamaanka, waxaana la filayaa in si degdeg ah loo ansixiyo," ayuu yiri Wasiir Cismaan Daallo.

Ugu dambayn, Wasiir Daallo waxa uu ku dhawaaqay war farxad geliyay ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dhibaatada ay ka cabanayeen ee la xiriirta adeegga korontada lagu xallin doono isticmaalka tamarta laga helo cadceedda. Arrintan ayaa meesha ka saari doonta kharashka badan ee ku baxa shidaalka matoorrada, taasoo fududeyn doonta ganacsiga dalka.


Previous Post Next Post