Sabti. 11 January 2025, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu maanta oo Sabti ah, 11-ka Janaayo 2025, lagu wadaa inuu tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka furmi doono wadahadallo u dhexeeya labada dal.
Wadahadalladan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo saldhig u ah nabadda iyo horumarka gobolka.
Madaxweynaha Xasan Sheekh waxaa kulkulayn la wadaagayo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed si ay uga wada hadlaan dhowr ajande muhiim ah oo ay ka mid yihiin dardargelinta Heshiiskii Ankara iyo doorka ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
Markii ugu dambeysay oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu tago Addis Ababa waxay ahayd 17-kii Febraayo 2024, markaas oo ciidamada Itoobiya ay isku dayeen inay ka hor istaagaan ka qeybgalka shirka Midowga Afrika oo ka socday halkaas.
Labada dal ayaa xilligaas isku hayay heshiiska arrimaha badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga carootay, keenayna inuu xiriirka labada dal xumaado.
Safarkan cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa fursad lagu hagaajin karo xiriirka labada dal, iyadoo la filayo in wadahadalladu ay horseedaan is afgarad iyo iskaashi dheeraad ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya.