Warka maanta | khamiis Taariikhda 9/1/2025 |
● Magaalada Muqdisho waxay ku jirtaa xaalad nabad galyo halistii Khawaarijta ayaa hoos loo dhigay sanadihii lasoo dhaafay, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku qaaday dagaal militeri, mid dhaqaale iyo mid dhanka fikirka
Degmooyinka magaalada Muqdisho waxay ku tartamayaan dhismaha wadooyin laamiyo iyo interlock Bangiyaduna waxay wadaan dhismaha xaafado cusub iyo maal-gashi dhinac kasta leh.
Dhismayaasha ka socda Muqdisho ayaa hadda u baxay banaanka, waxaana la deegaameynayaa dhul ka baxsan Xamar, waxayna caasimaddu ku sii fideysaa gobollada Shabeelooyinka.
Dadka Beeralayda iyo Xoolo dhaqaatada ee ku nool qeybo kamid gobollada Sh/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa markii ugu horreysay 17 sano kadib waxaa u curtay sanad aysan kooxdu baad ka qaadaya, gaadiidleyduna waxa uu isaga gudbayaa gobolladaas, iyadoo wadooyinka aysan Shabaab joogin, isbaarooyin oolin.
Al-Shabaab, wali waxay ku sugan yihiin dhul ku yaalla koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadda waxaa socda abaabulka sidii dib loogu bilaabi lahaa howlgalka Militeri oo argagixisada looga xoreynayo dhulka ay joogaan.
Taliyaha ciidankan Odawaa oo dagaal cusub abaabulaya ayaa isku maray furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, wuxuuna hadda ku sugan yahay gobolka Hiiraan oo toddobaadkaan lagu aasay askari military oo loo dilay aano qabiil.
Taliye Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Militeriga Soomaaliya ayaa furimaha ugu dambeeya ee ciidamadu difaaca uga jiraan ku maraya kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda ciidanka iyo dib u bilaabidda dagaalka xoreynta dalka.
ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan jooga ayaa
AL- Shabaab ku bilaabeen howlgalka, waxaana laga xoreeyey ugu yaraan 5 deegaan oo muhiim oo ku yaalla Jiinka Wabiga, waxaana loo talaabayaa maalmaha soo socda galbeedka Wabiga, si gobolkaas looga xoreeyo kooxda.