Warka Soomaaliya || Arbaco : Taariikhda 8/1/2015 |
● Dowladda masar ayaa qorsheyneysa in ay toddobaadka soo socda ay wada-hadallo muhiim la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga wada xaajoodaan ka qaybgalka Qaahira ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
● Soomaaliya iyo Masar ayaa ku wada hadli doona magaalada Qaahira ee dalka Masar. intii u dhaxeysa. 15- ilaa 17-ka bishan January, sida uu sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Balcad.
● Howlgalkan cusub ee nabad ilaalinta ayaa dadaal lagu xoojinayo ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya.
● Dowlada Masar, oo ka mid dalalka waawayn ee Afrika, ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay ciidamo u dirto howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika kadib markii ay Soomaaliya ka codsatay.
● Wasiirka arrimaha dibadda Masar, ayaa sheegay in dalkiisu muhiimad weyn siinayo kaalmada la xiriirta nabadgalyada iyo xasilloonida gobolka GeeskaAfrika.
● Wadahadallada ayaa looga golleeyahay in la isku waafajiyo qorsheyaasha labada dal ee ku aaddan hawlgalka Midowga Afrika, laguna qeexo doorka Masar ee taageerada Soomaaliya.
● Waxaa laga yaabaa in diiradda la saaro sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada kale ee siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada muhiimka .
● Dowladda masar ayaa sanadihii dambe dadaal ku bixisay xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Geeska Afrika, iyadoo isku dayaysa inay kaalin muuqata ka ciyaarto amniga iyo horumarka gobolka.
● Soomaaliya ayaa u aragta Masar inay tahay xulafo muhiim oo ka caawin karta helidda taageero milatari iyo dhaqaale si wax looga qabto caqabadaha gudaha dalka.