● Taliska Ciidanka Booliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay 23 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo lagu eedeeyay inay geysteen falal dambiyeedyo iskugu jira dil, dhaawac, kufsi, dhac dadweyne, iyo ka ganacsi maandooriye.
Dadkan ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada booliiska ka sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
Halka mid ka mid ah eedeysanayaasha ay tahay haweeney, taasoo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahayd falalka dambiyada ee lagu soo oogay.
"Hay’adda Amniga Gobolka Banaadir iyo Shacabka Caasimadda oo iskaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23, kuwaas oo ku kacay falal iskugu jira dil, dhaawac, dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye."
Taliska Booliiska wuxuu sheegay in dhammaan eedeysanayaasha si degdeg ah loo horgeyn doono caddaaladda si loogu qaado sharciga ku habboon.
Baaq loo diray shacabka Muqdisho: Booliiska ayaa ugu baaqay shacabka inay xogaha ku saabsan kooxaha dambiyada ku howlan la wadaagaan hay'adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.
Tani waxay muujineysaa sida ay hay’adaha amniga uga go'an tahay inay la dagaallamaan dambiyada iyo inay kor u qaadaan nabadgelyada caasimadda.