● Taliyaha Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo uu wehlinaayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa ku guuleystay dhex dhexaadin miro dhal oo lagu soo afjaray madow siyaasadeed oo mudooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Cabdullaahi Ganeey.
● madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasigaan oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan State ayaa salka ku haayay xiriiro qarsoodi uu siyaasigaan la sameeyay dowladda Itoobiya oo uu si cad ugu muujiyay garab istaag, iyadoona dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay siyaasigaan inuu ka shaqeynaayay waxyaabo lidi ku qaranimada dalka.
● Taliye Sanbalooshe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay dhameeyeen isaga iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye wixii madow ahaa ee dowladda iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa ka dhaxeeyay.
● maanta ayaan soo afjarnay kulamo mudo soo socday oo ugu dambeyn sababay in deegaankooda dib ugu soo laabtaan walaalkey Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa oo horay Maxkamadaha dowladda waaran ugu jartay, heshiiskaan waa mid ay og yihiin madaxda ugu sareysa dalka, waana dhameyn doona inta dhiman sida waarankii loo jaray marka aan Xamar tagno aniga iyo Xildhibaan Raaxeeye" ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.
● Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye oo ah xildhibaan. ayaa dhankiisa sheegay iney si weyn u dhibeysay in deegaanadooda ay ka maqnaadaan siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in lasoo gabagabeeyay waxyaabahii keenay madowga siyaasadeed.
● Ugu dambeyntii Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi Ganeey ayaa dhankiisa sheegay inuu si hufan uga garaabayo qaladkii horay dhacay, isagoona balan qaaday inuu taageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.