Wasiirka Amniga DFS Mudane Farataag ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Ciraaq

 


 Khamiis, (Caaqil News),  Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Ciraaq, Mudane Qasim Al-Araji, waxaana diiradda lagu saaray shirkaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta xiriirka labada dal.


Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada ammaanka iyo tababarada ciidamada, iyadoo la adkeynayo iskaashiga lagu xoojinayo nabadgelyada gobolka. 

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ciraaq taageerada iyo khibradaha ay u soo bandhigeen Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo dhankiisa, Mudane Qasim Al-Araji uu ballan qaaday in Ciraaq ay ka go’an tahay inay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada farsamada, tababarada, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.

Previous Post Next Post