Khamiis, (Caaqil News), Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadatay George Conway, ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG/RC/HC). Doodan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda, iyadoo lagu nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada arrimaha qoyska iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Wasiir Al-Makhzoumi ayaa waxaa kulanka ku wehliyey agaasimaha guud ee wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya, Maxamed Bashiir Cumar iyo koox khubaro ah oo ka socotay wasaaradda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, si wax looga qabto howlaha dhow iyo kuwa fog ee horyaalla Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Intii uu kulanka socday, George Conway waxa uu u hambalyeeyay wasiir Al-Makhzoumi xilka dhawaan loo magacaabay. Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka wada shaqeyn dhex marta Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda, isagoo ballan qaaday inay sii laba jibaari doonaan dadaallada ay wadaan. Mr. Conway ayaa carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay sii wadida iskaashiga ku wajahan horumarinta ajendaha qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee Soomaaliya.
Danjire Al-Makhzoumi ayaa xaqiijiyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan QM. Waxa ay ka warbixisay caqabadaha faraha badan ee horyaala Wasaaradda, waxayna ku celisay inay ka go’an tahay inay si hufan u gudato waajibaadkeeda shaqo. Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay taageerada caalamiga ah si loo gaaro hadafyada Wasaaradda iyo horumarinta nolosha qoysaska iyo bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay heshiis labada dhinac ah si kor loogu qaado dadaallada iskaashiga iyo hirgelinta tallaabooyinka istaraatiijiyadeed ee wax looga qabanayo xuquuqda aadanaha iyo arrimaha qoyska. Labada dhinacba waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay inay ka wada shaqeeyaan abuurista hannaan adag oo qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.