Xamaas iyo Israa’iil |
Khamiis, (Caaqil News), Xamaas iyo Israa’iil ayaa Arbacadii shaaciyay in Khamiista la sii deyn doono maxaabiis la kala haystay, kuwaasoo ay ka mid yihiin saddex Israa’iiliyiin rayid ah iyo shan muwaadin oo u dhashay Thailand.
Dadka la fasaxayo ee Israa’iiliyiinta ah waxaa ka mid ah laba haween ah iyo oday 80 jir ah oo lagu hayay Gaza. Dhanka kale, Israa’iil ayaa iyana ballan qaaday in ay sii deyn doonto tobanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyaheeda.
Isweydaarsigan maxaabiista wuxuu qeyb ka yahay heshiis ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar iyo Qatar. Heshiiskaasi wuxuu xambaarsan yahay xabbad-joojin ka dhaqan gashay Gaza, dib u celinta Falastiiniyiinta ku barakacay waqooyiga Gaza, iyo sii deynta la heystayaasha la kala haysto.
Sida ay saraakiishu sheegeen, inta u dhaxaysa maanta oo Khamiis ah ilaa Sabtida, waxaa la sii deyn doonaa maxaabiis kale oo Israa’iiliyiin ah iyo Falastiiniyiin muddo xabsiyada ku xirnaa.
Maxaabiista la filayo in maanta lasoo daayo waxaa ka mid ah Zakariya Zubeydi, oo horey uga tirsanaa dagaalyahannada Falastiiniyiinta. Sannadkii 2021, Zubeydi wuxuu si la yaab leh uga baxsaday xabsi Israa’iil leedahay, arrintaasoo farxad weyn u ahayd Falastiiniyiinta, balse si weyn u yaabisay hay’adaha amniga Israa’iil.
Qeybta koowaad ee heshiiskan ayaa la filayaa in lagu sii daayo illaa 2,000 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, halka Xamaas ay dhankeeda sii deyn doonto 33 ka mid ah la haystayaasha Israa’iiliyiinta ee lagu hayo Gaza.
"Wararka caalamka"
"Wararka maanta"