Talaado,14 January 2025 (caaqil News ), Milatariga Israel ayaa Talaadada maanta ah sheegay inay dhowr jeer isku dayeen inay soo ridaan gantaal laga soo riday Yemen, kaasi oo sababay dhawaqa digniinta ka yeeray bartamaha dalka.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa dhacay wax ka yar hal maalin kadib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen inay gantaal ku rideen magaalada Tel Aviv, oo ay ciidamada Israel sheegeen inay dhexda ka qabteen.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda militariga Israeli waxay sheegtay: "Ka dib markii digniinta lagu dhawaaqay meelo badan oo bartamaha Israel ah, waxaa la sameeyay dhowr isku day oo lagu qabtay gantaal laga soo riday Yemen." Waxay intaa ku dareen in gantaalka "u badan tahay in la qabtay," iyagoo xusay in aan la soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dad ama hanti.
Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay weerarkan Talaadada subaxii, iyagoo sheegay inay rideen "gantaal xawaare sare leh" oo ku wajahnaa "magaalada Jaffa ee la haysto," oo ah xarunta ganacsiga Israel ee Tel Aviv.
Gantaal ridistaan ayaa daba socotay weerar habeenkii Isniinta oo la sheegay in lagu qabtay gantaal kale oo laga soo riday Yemen, ka hor inta uusan soo gaarin gudaha dhulka Israel, sida uu sheegay militariga Israel.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay inay rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku wajahnaa isla gobolkaas. Waxay ku adkeysteen in howlgalladooda ay sii wadi doonaan ilaa "inta laga joojinayo gardarrada loo geysanayo Falastiiniyiinta."
Tan iyo bilowgii dagaalka Gaza bishii October 2023, Xuutiyiinta Yemen ayaa si joogto ah gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ugu riday Israel, iyagoo sheegay inay taageero u muujinayaan Falastiiniyiinta.