Diyaarad Drone ah oo Qaraxya Siday oo Xalay lagu arkay Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho 

 

Sabti, (Caaqil News),  Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo xalay lagu arkay hawada sare ee Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo sidoo kale laga maqlay rasaas xooggan.


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in diyaaradda, oo ahayd nooca Drone, ay laba jeer kusoo laabatay agagaarka Villa Somalia. Ciidamada ammaanka ayaa shakiyay, taasoo keentay in rasaas lagu furo.

Cabsi xooggan ayaa la dareemay, waxaana looga shakiyay in diyaaradda ay sidday walxaha qarxa oo bartilmaameedkoodu ahaa Madaxtooyada, halkaas oo si weyn loo ilaaliyo. Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Qaranka ayaa la sheegay inay u adeegsadeen qoriga Dhashiikaha, taasoo keentay in diyaaraddii ay cararto. Rasaasta ayaa si weyn looga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin diyaaraddaas shaki badan dhalisay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Puntland ay soo ridday diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay oo la sheegay in kooxda Daacish ay dooneysay inay ku beegsato ciidamada maamulkaasi ee howlgallada culus ka wada gobolka Bari.


Previous Post Next Post