Maamulka Puntland |
Sabti, (Caaqil News), Qaar ka mid ah ganacsatada jaadka ee ka howlgala degaannada Puntland ayaa cabasho xooggan ka muujiyay faragelin ay sheegeen in ay kala kulmeen xubno ka tirsan qoyska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Ganacsatadan, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay in wiil uu dhalay Madaxweyne Deni uu si gaar ah u hor istaagay diyaaradihii jaadka u keeni jiray, taasoo dhibaato ku noqotay ganacsigoodii. Waxay tilmaameen in wiilkaasi adeegsanayo awood dowladeed si uu uga faa’iidaysto ganacsigooda.
Waxaan nahay ganacsato si sharci ah u shaqeysanaya oo bixiya canshuuraha dowladdu waajibisay, mana aqbali karno in shaqsi gaar ah uu na dhibaateeyo,” ayay yiraahdeen ganacsatadu, iyaga oo ugu baaqay Madaxweyne Deni in uu arrintan faraha la soo galo oo uu ka qabto wiilkiisa.
Ganacsatadu waxay sheegeen in ay filayaan in xukuumaddu si cadaalad ah u xalliso cabashadooda, si ay ganacsigooda u sii wataan iyada oo aan la hor istaagin.