Axad, (Caaqil News), Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn (drones) 30-kii Jannaayo 2025, kaas oo ka dhacay gobolka Cafarta ee Itoobiya, meel u dhow xadka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo maxalli ah.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Siyaru Kebele, oo ka tirsan degmada Eli-Daar. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeyntu dhacday habeenkii oo dhan, waxaana la xaqiijiyay dhimashada in ka badan siddeed qof, iyadoo weli aan si rasmi ah loo caddeyn tirada guud ee khasaaraha.
Dadka la dilay waxaa ka mid ah haweeney uur lahayd iyo laba nin oo walaalo ah. Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana labo ka mid ah lagu daweynayaa Isbitaalka Guud ee Dubti, sida ay sheegeen dad deegaanka ah.
Magacyada qaar ka mid ah dadka la dilay waxaa ka mid ah:
Maxamed Caydaahis
Gama Cali Orbis
Kako Cali Orbis
Cali Maxamed Kako
Caysha Baddul Cali
Dadka dhaawacmayna waxaa ka mid ah:
Mayram Maxamed Cabdalla
Fatuma Cali Xammed
Cali Maxamed Cali
Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay weerarkan in ay ka dambeyso dowladda Jabuuti, iyagoo sheegay in tani ay tahay duqeyntii labaad ee noocan ah oo ka dhacda gobolka muddo laba bilood gudahood ah. Waxa ay sheegeen in weerarka lagu andacoonayo in lagu beegsanayo jabhadda FRUD, oo ah koox hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumadda Jabuuti.
Warar kale ayaa tilmaamaya in xiisadda u dhexeysa Jabuuti iyo FRUD ay sababtay weerarkan, maadaama dowladda Jabuuti ay horey u sheegtay in dagaalyahannada jabhaddan ay saldhigyo ku leeyihiin xadka u dhexeeya labada dal.
Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti (LDDH) ayaa dhankiisa sheegay in weerarku ahaa mid aad u khasaare badan, iyagoo caddeeyay in 14 qof ay dhinteen, oo ay ku jiraan afar haween ah, halka tiro kale, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ay dhaawacmeen.
Weli ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Jabuuti ama Itoobiya oo ku saabsan weerarkan.