Shir loga hadlayay xiisadda colaadeed ee ka aloolsan galbeedka gobolka Mudug Galkacayo ka furmay

 

Galkacyo 

Sabti, (Caaqil News),   Shir lagu xallinayo colaadda beelaha ee ka taagan galbeedka gobolka Mudug ayaa lagu wadaa inuu saaka, Sabti, ka furmo magaalada Gaalkacyo.


Shirkan ayaa ah mid dhammaystir u ah dadaalladii nabadeed ee dhawaanahan ka socday Gaalkacyo, kuwaas oo ay wadeen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug si ay xal waara ugu helaan colaadda ka taagan deegaanka.

Go’aamo ay si wadajir ah u soo saareen labada maamul ayaa lagu xusay tallaabooyin lagu xakameynayo colaadda, si looga hortago isku dhacyo hor leh. Go’aannadan oo ka kooban toddoba qodob, waxaa kamid ah:

Kala fogeynta maleeshiyaadka labada beelood iyo dejintooda goobihii hore loogu asteeyey, kuwaas oo kala ah Bandiiradley iyo Galdogob.

Dib u hawlgelinta ciidamadii nabadgelyada ee labada beelood, si loo sugo amniga.

Dardargelinta qabashada guddiga xeerbeegtida iyo culimada, kuwaas oo ka garnaqi doona khilaafka, iyadoo la raacayo heshiiskii labada beelood ee dhacay 2-dii Oktoobar 2024.

La-tashiyo lagala yeelanayo odayaasha dhaqanka labada dhinac, si heshiiska loo dhaqan geliyo.


Puntland iyo Galmudug ayaa ku adkaystay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo wada-noolaanshaha, iyagoo dadaal dheeraad ah gelinaya sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda soo noqnoqotay.


Kuso Biir whatsapp group ka shabakada ee CAAQIL NEWS 





Previous Post Next Post