Gobolka Sanaag |
Axad,(Caaqil News), Xiisad kacsan ayaa ka taagan gobolka Sanaag, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland.
Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii SSC-Khaatumo ay maanta ciidamo dheeraad ah ku daabushay jiidda hore ee dagaalka. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah, ciidamadan oo ka baxay Laascaanood ayaa gaaray deegaanka Oog, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo difaac.
Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus waxaa hoggaaminaya taliyaha guutada 4-aad ee SSC-Khaatumo, Jeneraal Mubaarak Maxamed Warsame. Waxay halkaasi kula kulmeen saraakiil kale iyo ciidamo horay ugu sugnaa aagga.
Ujeedka ciidamadan la geeyay Oog ayaa ah in lagu xoojiyo ciidamada SSC ee horey u joogay halkaasi, si ay uga hortagaan haddii Somaliland ay weerar soo qaaddo.
Xaaladda deegaanka ayaa cakiran, waxaana dadka deegaanka ay ka walaacsan yihiin in dagaal dib u qarxo. Ilaa hadda, maamulka Somaliland kama uusan hadlin dhaqdhaqaaqa ciidan ee SSC-Khaatumo ee ka socda aagga Oog.
Gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag ayaa horey dagaallo uga dhaceen, iyadoo weli laga dareemayo xiisadda u dhexeysa labada dhinac.