Axad, (Caaqil News), Waxaa la sii daayay dhammaan shantii qof ee loo haystay dilka Salwan Momika, ninkii sanadkii 2023-kii gubay nuqullo ka mid ah Qur’aanka Kariimka, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha kiiskan.
Xeer-ilaaliye Rasmus Oman ayaa shaaca ka qaaday in shakigii markii hore jiray uu daciifay, taasoo keentay in aan wax sabab ah loo helin sii haynta dadkan. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanku weli wuu socdaa.
Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa Arbacadii lagu toogtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Södertälje, Sweden. Waxa uu geeriyooday wax yar kaddib markii la dhigay isbitaalka. Dadka la xiray kiiskan ayaa la qabtay habeenimadii Arbacada, saacado uun kadib dilkiisa.
Dhanka kale, maxkamad ku taalla Stockholm ayaa dib u dhigtay go’aan ay ka gaari lahayd dacwad ka dhan ah Momika, taasoo la xiriirtay kicinta naceyb qowmiyadeed. Geeridiisa awgeed, go’aankaas waxaa la sugayaa illaa 3-da Febraayo.
Qareenkiisa, Anna Roth, ayaa sheegtay in Momika uu si buuxda u ogaa in khatar weyn ay naftiisa soo wajahayso.
Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson, ayaa dhankiisa sheegay in laga yaabo in dowlad shisheeye ay ku lug lahayd dilka. Waxa uu xusay in hay’adaha amniga ay si qoto dheer u baadhayaan kiiskan, maadaama ay jirto suurtagalnimada in falkani la xiriirayo quwad shisheeye.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Ebba Busch, ayaa cambaaraysay dilka, kuna tilmaantay weerar ka dhan ah dimoqraadiyadda xorta ah ee Sweden.
Daraasadihii hore ayaa muujinayay in dowladda Iiraan ay horey u adeegsatay shabakado dambiilayaal ah oo ka howlgala gudaha Sweden si ay u fuliyaan falal rabshado wata. Xilligan, lama caddeyn in Iran ama cid kale ay si toos ah uga dambeyso dilka Momika, balse baaritaanka ayaa weli socda.