![]() |
22-March-2025 |
Warka maanta - (Caaqil News)- Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab isagoo sheegay in waqtigu yahay mid muhiim ah oo laga faa’iidaysan karo si loo soo afjaro maleeshiyadaas Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in fursad muhiim ah ay jirto taasoo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga shaqeyn karaan sidii dalka looga xoreyn lahaa Al Shabaab isagoo ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay qayb ka noqdaan ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka Wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay qorsheyneyso in ay si toos ah ugu guurto jiidaha hore ee dagaalka isagoo tilmaamay in dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah gobollada dalka Hadalkan ayaa muujinaya go'aanka dowladda ee ah inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyadoo shacabka iyo ciidamada ka qayb qaadanaya
Si looga hortago waxa uu ku tilmaamay khawaarijta Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran iyo sidoo kale hawlgallada ka socda qaybo ka mid ah dalka Kulankan degdegga ah ayaa waxaa lagu falanqeeyay xoojinta iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyadoo loo qorsheynayo sidii loo xoojin lahaa ciidanka Soomaaliyeed iyo hababka loo wajaho argagixisada Hadalkaasi ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu diyaar garowday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab si loo dhameeyo khataraha amni ee ka imaanaya kooxdaas
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay in xukuumaddiisu ay ka shaqeyso sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyadoo loo baahan yahay in shacabka iyo ciidamada ay ka qeyb qaataan dagaalkaas Tani waxay muujinaysaa in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay in la xoojiyo dagaalka iyadoo shacabka Soomaaliyeed lagu dhiirrigelinayo inay gacan ka geystaan ka hortagga kooxaha argagixisada Hadalkani ee Raysal Wasaaraha ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu joogo gobolka Hirshabelle si uu dardargeliyo wejiga labaad ee hawlgalka dalka looga xoreynayo Al Shabaab Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo uu ka wado abaabulka dagaalka iyo xiriirinta ciidamada dowladda kuwa Macawiisleyda iyo bulshada deegaanka ee ka qayb qaadanaya howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah u riixaya gulufyo iyo dagaallo la mid ah kuwa sanadkii 2023 lagu saaray Al Shabaab kuwaas oo kasoo saarista kooxaha argagixisada ee gudaha Hirshabelle iyo Galmudug Madaxweynaha ayaa si dhow ula socday xaaladda iyo horumarka hawlgalada isagoo markasta la tashanaya ciidamada ku sugan goobaha dagaalka si ay uga shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa guulo dheeri ah Ifafaalaha muuqda ee dagaallada ka socda Hirshabelle iyo Galmudug ayaa muujinaya in hawlgalkani uu xoogaan doono isla markaana uu yahay mid la mid ah midkii laba sano ka hor iyadoo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Difaaca Shacabka ay ka shaqeynayaan sidii loo burburin lahaa maleeshiyada Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanadaas Dadaalladan cusub ayaa sidoo kale tilmaamaya sida loo xoojiyay iskaashiga ciidamada dowladda iyo shacabka si looga hortago kooxaha argagixisada ee Al Shabaab
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale buudka ciidamada u xirtay si loo xaqiijiyo in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay si wadajir ah u burburiyaan kooxaha Al Shabaab ee ku sugan Hirshabelle waxaana la qorsheeyay in ciidamadu ay hubin doonaan deegaanada Galmudug oo hadda ka caagan argagixiso Madaxweynaha ayaa tilmaamay in awoodda dagaalka ee ciidamada iyo taageerada shacabka ay xaqiijinayaan burburinta Al Shabaab ee Hirshabelle iyo in dadka deegaanku ay ku jiraan xasillooni iyo amni Hadalkii Raysal Wasaaraha ee ku aaddan guurista xukuumadda ee jiidaha dagaalka ayaa sidoo kale muujinaya in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay si toos ah ula jaanqaado hawlgallada soconaya iyadoo loo marayo qorshe la jaanqaadaya xaaladaha dagaalka ee hadda socda Falanqeeyeyaasha siyaasadeed ayaa ku tilmaamay joogitaanka Madaxweynaha ee jiidaha hore mid sare u qaadaya niyadda ciidamada ku howlan dagaalka iyadoo ay dhiirrigelin doonaan guulo cusub oo lagaga hortago Al Shabaab
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isugu geysay cududdeeda Hirshabelle iyadoo markasta ay ka go’an tahay guusha hawlgalkan si looga xoreeyo dalka maleeshiyada Al Shabaab Waxaa la filayaa in ciidamadu ay si fiican uga shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa in Shabaabku aysan ka dhaxlayn gobolladaas oo si weyn looga xoreyn doono argagixisada Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa ah mid muujinaya isbeddel siyaasadeed oo ka muuqda go’aamada adag ee dowladda Soomaaliya Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyay inay ka go’an tahay burburinta kooxaha argagixisada si loo gaaro xasillooni iyo amni iyadoo la abuuri doono deegaan nabdoon oo dadka Soomaaliyeed ay ku noolaan karaan si ammaan ah Hadafka ugu weyn ee dagaalka ayaa ah in la xoreeyo dalka isla markaana laga hortago khataraha amni ee ka imaanaya kooxaha argagixisada ee Al Shabaab
0 Comments