Ciidanka RSF oo ku dhawaaqay dhismaha dowlad cusub ee dalka Suudaan

16-April-2025

 

Warka maanta - (Caaqil News)-    Dalka Suudaan ayaa galay marxalad cusub oo dagaalka sokeeye ee dalkaasi ku sii fogeynaya burbur siyaasadeed iyo dhibaato bini’aadantinimo oo aad u daran. Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF oo uu hoggaamiyo Maxmaed Xamdaan Hemedti Dagalo ayaa ku dhawaaqay inay dhisayaan dowlad ka madax bannaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Suudaan, kuwaas oo uu dagaal culusi u dhexeeyo muddo ku dhow laba sano. Talaabadan ayaa dhalisay dareen cusub oo ku saabsan mustaqbalka Suudaan iyo sida ay xaaladda u saameyn karto gobolka Bariga Afrika.


Dagaalkani u dhexeeya ciidanka dowladda Suudaan oo uu hoggaamiyo Cumar Al-Burhaan iyo ciidanka RSF ayaa ka bilowday caasimadda Khartuum bishii Abriil 2023 kadib markii uu burburay heshiiskii wadaagga awoodda ee ka dhaxeeyay labada dhinac. Waxaa markiiba billaabmay dagaallo culus oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka malaayiin kalena ay barakaceen iyagoo ku hoyda xeryo qaxooti oo aad u liidata. Xaaladdan ayaa noqotay musiibada bani’aadantinimo ee ugu weyn ee dunida ka taagan waqtigan.

Maxmaed Xamdaan Hemedti Dagalo ayaa sheegay in RSF ay go’aansatay inay dhisto dowlad sharciyad ku dhisan oo aan ku salaysnayn qabiil gobol iyo diin toona. Isagoo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegay ma raadineyno xukun laakiin waxaan rabnaa midnimo waxaan aaminsanahay in aysan jirin qabiil gobol ama diin gaar u leh aqoonsiga Suudaan. Dowladda aan dhiseyno waxay adeegyo caafimaad waxbarasho iyo amni siineysaa dhammaan shacabka dalka oo dhan ma aha kaliya meelaha RSF maamusho.

Ku dhawaaqista dowladdan cusub ayaa timid xilli magaalada London lagu qabtay shir heer sare ah oo lagu xusayay sanadguuradii labaad ee dagaalka Suudaan. Shirkaas waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday waddamo badan iyo ururo caalami ah waxaana xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy uu ku baaqay dariiq nabadeed oo dagaalka lagu soo afjaro.

Hoggaamiyaha RSF ayaa sheegay in dowladdiisu ay noqon doonto mid dadku doorteen isla markaana aan lahayn koox gaar ah oo xukunka ku naaloonaysa. Wuxuu tilmaamay in Suudaan u baahan tahay dowlad ka shaqeysa cadaaladda sinaanta iyo horumarinta adeegyada bulshada. Hemedti waxa uu ballan qaaday in ay bixin doonaan adeegyada waxbarasho caafimaad biyaha nadiifka ah iyo korontada taas oo laga hirgelin doono guud ahaan dalka marka laga takhaluso xukuumadda hadda jirta.

Dhinaca kale dagaalka sii socda ayaa sababay barakac baahsan oo gaaray heer caalami ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 8 milyan oo qof ay ka qaxeen guryahooda tan iyo markii uu dagaalku billaabmay halka kumanaan kale ay u qaxeen waddamada dariska sida Chad Jabuuti Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya. Waxaa sidoo kale la burburiyey kaabayaal muhiim ah sida isbitaallada iskuullada iyo xarumaha ganacsiga taasoo xaaladda ka dhigtay mid halis bini’aadantinimo leh.

Taliska ciidamada dowladda ee uu hoggaamiyo Cumar Al-Burhaan ayaa kasoo horjeestay ku dhawaaqista RSF iyagoo ku tilmaamay fal sharci-darro ah oo lagu kala fogeynayo midnimada dalka Suudaan. Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in ciidamadoodu sii wadayaan dagaalka ilaa dalka laga xoreeyo waxa uu ugu yeeray maleeshiyaadka RSF.

Dhanka magaalada el-Fasher oo ah xarunta gobolka Waqooyiga Darfuur dagaallo xooggan ayaa ka dhacay maalmihii u dambeeyay iyadoo ciidamadu ay duqeeyeen fariisimo ay RSF ku leedahay hareeraha magaalada. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 500000 oo qof ay ka qaxeen xeryaha qaxootiga ee Zamzam iyo nawaaxigeeda kadib markii ay xoogaysatay colaadda.

Shacabka Suudaan ayaa ku dhibban nolol adag iyadoo adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ay gebi ahaanba burbureen. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in la waayey dawo biyo nadiif ah iyo cunto ku filan. Carruur badan ayaa la ildaran nafaqo-darro halka haween iyo dadka da’da ah ay wajahaan xaalado nololeed oo aad u liita.

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda Suudaan iyadoo ururrada caalamiga ah ee samafalka iyo Qaramada Midoobay ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka oo wadahadal la billaabo. Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in 19 milyan oo carruur ah oo Suudaan ku sugan ay halis ugu jiraan in ay waayaan adeegyada asaasiga ah sida waxbarasho iyo caafimaad.

Dagaalka Suudaan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay gobolka Bariga Afrika gaar ahaan waddamada deriska la ah sida Itoobiya Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan. Dalalkaas ayaa xadkooda ka xirtay qaxooti badan oo kasoo cararay Suudaan iyadoo waddamo badan oo gobolka ah ay cabsi ka qabaan in colaadda ay ku faafto xuduudaha.

Diblomaasiyad caalami ah ayaa si tartiib ah u socota balse weli ma jirto xal muuqda oo laga gaaray dagaalka. Maraykanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa wada dedaallo diblomaasiyadeed oo lagu heshiisiinayo dhinacyada isku haya Suudaan balse dagaalka ayaa muuqda mid halis ugu jira inuu sii dheeraado.

Gunaanadkii ku dhawaaqista dowladda cusub ee RSF waxa ay sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka Suudaan iyo guud ahaan gobolka. Inkastoo Hemedti uu sheegay in dowladdiisu noqon doonto mid la dooranayo haddana xaaladda adag ee dalka ka jirta ayaa adkaynaysa hirgelinta qorshayaal siyaasadeed iyo adeegyo bulsho. Beesha caalamka ayaa looga fadhiyaa inay si dhab ah ugu howlgasho sidii dagaalka Suudaan loo joojin lahaa si loo badbaadiyo nolosha malaayiinta qof ee ku waxyeelloobay dagaalkan labada sano socday.

Post a Comment

0 Comments