Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay aadan yabaal

16-April-2025

 

Warka maanta - (Caaqil News)-   Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo saakay waaberigii hore kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan oo ka dhacay afar jiho ayaa la sheegay inuu ku bilowday qaraxyo xoog leh oo lala beegsaday fariisimaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee degmadaasi ku sugnaa.


Qaraxyada kadib waxaa dhacay dagaal toos ah oo qaatay saacado xiriir ah iyadoo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka laga helayo dadka deegaanka iyo ilo amni ayaa sheegaya in qaraxyadu ay sababeen burbur xoog leh oo gaaray xarumo ciidan iyo dhismayaal kale oo muhiim ah oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal.

Dagaalka ayaa billowday abaarihii 430 subaxnimo ee waaberiga maanta waxaana la sheegay in ciidamo badan oo Al-Shabaab ah ay si isku dubbaridan weerarka uga fuliyeen afar jiho oo kala duwan. Qaraxyada kadib dagaal fool ka fool ah ayaa ka dhacay gudaha magaalada iyo deegaannada ku dhow dhow iyadoo rasaas culus iyo mid fududba la is dhaafsanayay.

Wararka laga helayo goobaha caafimaadka ee ku dhow Aadan Yabaal ayaa sheegaya in halkaasi la gaarsiiyay dhaawacyo badan waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen in ay arkeen meydadka askar iyo dagaalyahanno dhinacyada dagaalamayay ah oo yaalla waddooyinka iyo deegaannada ku teedsan degmada. Dadka shacabka ah ee degmada ku nool ayaa bilaabay in ay guryahooda ka qaxaan iyagoo cabsi ka qaba in dagaalku uu sii socdo ama weeraro kale la mid ah ay dhacaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa war ay ku faafiyeen baraha ay isticmaalaan ku sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Aadan Yabaal isla markaana ay jab culus u geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Bayaanka kooxda laguma caddeyn khasaaraha ay sheegeen in ay gaarsiiyeen dowladda balse waxay xuseen in ay qabsadeen xarumo ciidan iyo gaadiid dagaal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin illaa iyo hadda weerarka culus ee ka dhacay degmada Aadan Yabaal mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ama taliska ciidamada xoogga dalka oo ka hadlaya khasaaraha dagaalkaasi iyo xaaladda hadda taagan ee degmada. Ilo madax bannaan ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u xooggan islamarkaana khasaaraha rasmiga ah ee dhacay uu yahay mid weli la xaqiijinayo.

Degaanka Aadan Yabaal waxa ayna kamid tahay magaalooyinka istaraatiijiga ah ee gobolka Shabeelada Dhexe waxayna leedahay muhiimad dhinaca amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Magaalada Aadan Yabaal ayaa xarun u ahayd ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab iyadoo sidoo kale u dhaw xuduudda gobollada Galgaduud iyo Hiiraan taasoo ka dhigaysa meel muhiim u ah howlgalada militari ee ka socda gobolka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaas culus laga maqlayay guud ahaan magaalada iyo deegaannada ku dhow dhow iyadoo ciidamo dheeraad ah laga diray deegaanno kale oo gobolka ka tirsan si ay gurmad u gaarsiiyaan ciidamada dowladda ee dagaalka la galay Al-Shabaab. Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhacay illaa duhurkii iyadoo markii dambe la maqlay rasaasta oo yaraatay balse xaaladda magaalada ay weli tahay mid kacsan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaalyahanno badan oo Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen degmada halka qaar kalena ay difaacyo ka samaysteen deegaannada ku hareereysan. Dadka shacabka ah ayaa cabsi ka qaba in dagaallo kale ay markale dhacaan maadaama kooxda Al-Shabaab ay marar badan weeraro degdeg ah ka fulisay magaalooyin ay horey looga saaray.

Ciidamada dowladda ayaa dhankooda isku dayay in ay iska difaacaan weerarka iyagoo adeegsanaya madaafiic iyo rasaas culus oo la sheegay in looga hortagayay dagaalyahannada Al-Shabaab ee gudaha u galay magaalada. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dib ugu gurteen qaar kamid ah fariisimihii ay magaalada ku lahaayeen halka qaar kalena ay dagaal toos ah ku jiraan.

Ilo amni oo ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac culus inkastoo aan la helin tiro rasmi ah oo la xaqiijiyay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku dhinteen halka dhaawacyaduna ay gaareen tiro ka badan 20. Dhanka kale khasaaraha kooxda Al-Shabaab ayaan si rasmi ah loo xaqiijin karin balse warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkaasi khasaare weyn loogu gaystay kooxda.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay maalmihii u dambeeyay kordhiyeen howlgalada lagaga horjeedo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgallo dhanka dhulka iyo hawada ah ayaa dhowr jeer ka dhacay deegaannada ku dhow Aadan Yabaal taasoo Al-Shabaab u aragtay in ay halis ku tahay joogitaankooda gobolka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka hadasho weerarkan culus iyadoo ay suurtagal tahay in dowladda Mareykanka howlgalka ATMIS iyo dowlado kale oo taageera Soomaaliya ay sidoo kale ka dhiibtaan dareenkooda ku aaddan weerarkaasi. Waxaa jira warar sheegaya in ciidamo cusub lagu wado in loo diro gobolka si loo adkeeyo amniga degmooyinka istaraatiijiga ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka shacabka ah ayaa cabsi xoogan ka qaba in dagaallo kale oo culus ay markale ka dhacaan gobolka maadaama kooxda Al-Shabaab weli ay awood u leedahay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ismiidaamin ah. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda federaalka iyo ciidamada ammaanka faahfaahin ka bixiyaan xaaladda Aadan Yabaal khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo cidda sida rasmiga ah gacanta ugu haysa magaalada.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay horumar ka samaysay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab haddana waxaa muuqata in kooxdaasi weli ay leedahay awood ay ku fuliyaan weeraro noocan oo kale ah oo qorsheysan gaar ahaan magaalooyinka istaraatiijiga ah ee gobolka. Weerarkan ayaa muujinaya caqabadda adag ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kala kulmayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waxaa la sugayaa warbixin rasmi ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saarto weerarka si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee dhacdadaasi iyo tallaabooyinka lagula tacaali doono xaaladda amniga ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dadka deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayaa rajaynaya in xasilooni waarta laga gaaro deegaannadaas islamarkaana ciidamada ammaanka ay sugaan nabadgelyada shacabka.

Post a Comment

0 Comments