Xiisada dagaal ee dhanka Ganacsiga Ee Shiinaha iyo Mareykanka + Faahfaahin

Si lama filaan ah wararka caalamiga ah ayaa mar kale si weyn diiradda u saaray dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha dagaal uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Donald Trump Inkastoo markii hore loo arkayay olole guud oo Mareykanka uu ku doonayo inuu wax uga beddelo ganacsiga caalamiga ah haddana hadda waxay umuuqataa in dagaalkani uu u eg yahay mid ku kooban laba quwadood oo is hor fadhiya America iyo China  Markii uu ku dhawaaqay Trump inuu joojinayo sagaashan maalmood oo tacriif sare ah oo uu horey ugu soo rogay qaar ka mid ah dalalka adduunka dad badan ayaa u arkay inuu isbedel ku yimid xag jirnimadiisii ganacsi Laakiin joojintaasi kama dhigna in Mareykanku uu dib uga guray dagaalkaas Halkii laga filayay in la abuuro xasillooni ganacsi oo caalami ah Trump wuxuu si gaar ah diiradda u saaray Shiinaha wuxuuna qaaday tallaabooyin uu uga gol leeyahay in uu burburiyo xuduudaha dhaqaale ee Beijing  Shiinaha oo ah dalka ugu weyn adduunka ee wax soo saarka warshadaha ayaa si gaar ah loogu beegsanayaa talaabooyinka ganacsi ee Trump Tacriifadaha cusub ee uu Trump ku dhawaaqay ayaa gaaraya ilaa boqol iyo shan iyo labaatan boqolkiiba badeecadaha laga keeno Shiinaha taas oo si weyn uga sareysa toban boqolkiiba guud ahaan tacriifaha kale ee dalalka kale lagu soo rogay IPhones qalabka carruurta agabka korontada iyo waxyaabo kale oo badan ayaa la filayaa in qiimahoodu kor u kaco taasoo si toos ah u saameyn doonta macaamiisha Mareykanka  Waxaa la sheegaa in Shiinuhu yahay ilaha qiyaastii afar iyo toban boqolkiiba dhammaan badeecadaha ay isticmaalaan dadka Mareykanka Marka la eego xisaabtaas waxay cadahay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada waddan uu yeelanayo saameyn toos ah oo ballaaran  Trump ayaa sheegay in sababta uu ugu go’aansaday inuu sare u qaado tacriifaha badeecadaha Shiinaha laga keeno ay tahay mid ka dhalatay ficilka Shiinaha ee uu ku sheegay ixtiraam la aan iyadoo Beijing ay iyaduna kordhisay canshuuraha ay ku soo rogtay badeecadaha Mareykanka oo gaartay ilaa afar iyo siddeetan boqolkiiba Wuxuu sheegay in tallaabada Shiinaha ay muujinayso inaysan diyaar u ahayn inay si caddaalad ah ula macaamilaan Mareykanka  Si kastaba ha ahaatee haddii aan si qoto dheer u eegno arrintu ma aha oo kaliya aargoosi ama kacsanaan degdeg ah oo siyaasadeed Waxaa muuqata in dagaalkan ganacsi uu salka ku hayo qorshe dheer oo Trump uu horey u dejiyay qorshe uu doonayo in uu wax ka beddelo qaabka uu u shaqeeyo nidaamka ganacsiga caalamiga ah  Trump wuxuu aaminsan yahay in nidaamka ganacsiga caalamiga ah uu si aan caddaalad ahayn ugu xeeran yahay quwado kale sida Shiinaha halka Mareykanku uu yahay dalka ugu badan ee khasaaraha ka dhaxla nidaamkaas Inkastoo muddo dheer la aaminsanaa in ganacsiga furan uu kor u qaadayo horumarka shaqo abuurka iyo is dhexgalka dhaqaalaha caalamiga ah haddana Trump wuxuu sheegayaa in fikirkaasi yahay mid la buunbuuniyay  Ma aanan haysan waqti aan ku sameyno wax sax ah taas oo aan hadda sameyneyno ayuu yiri Trump Sida laga dheehan karo hadalkiisa Trump wuxuu doonayaa inuu isticmaalo fursadda uu mar kale u helay olole siyaasadeed si uu ugu ololeeyo isbedelka waqti dheer la sugayay in Mareykanka uu ka baxo doorka macmiilka adduunka kuna noqdo mid difaaca danihiisa  Mid ka mid ah daldaloolada uu Trump si gaar ah diiradda u saaray ayaa ah saameynta uu ganacsiga caalamiga ah ku leeyahay suuqa shaqada Mareykanka Waxaa jiray eedeyn ah in shirkadaha waaweyn ee Mareykanka ay shaqooyin badan u wareejiyeen dibadda si ay uga faa’iideystaan shaqaale jaban iyo sharciyo la aan xagga deegaanka iyo shaqaalaha ah  Shirkado badan ayaa bilaabay inay warshadahooda u raraan Shiinaha Vietnam iyo meelo kale oo ay shaqaale jaban ka heli karaan Arrintani waxay si toos ah u dhaawacday shaqaalaha Mareykanka ee ku tiirsanaa warshadaha gudaha  Trump wuxuu qaatay mowqif adag oo ah in Mareykanka laga ilaaliyo dhaqaalaha dhuxul beelka ee uu Shiinuhu hormuudka ka yahay wuxuuna doonayaa in la helo istaraatiijiyad suurtagal ah oo dalka lagu soo celin karo wax soo saarkiisa  Shiinaha ma aha mid si fudud u oggolaanaya in la cabburiyo Wuxuu leeyahay istaraatiijiyad fog oo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ah Beijing waxay ku doodeysaa in Mareykanku yahay kan bilaabay dagaalka isla markaana Shiinaha uu xaq u leeyahay inuu is difaaco  Dowladda Shiinaha waxay sidoo kale dib u eegis ku sameyneysaa xiriirka ay la leedahay ganacsatada Mareykanka iyadoo bilaabayso inay xakameyso badeecadaha muhiimka ah sida agabka elektarooniga biraha qaaliga ah iyo teknoolojiyadda casriga ah Tani waxay u dhigantaa in Shiinaha uu yahay mid aan si fudud la jebin karin taasoo ka dhigaysa dagaalka ganacsi mid sii dheeraan kara oo aan lahayn guul degdeg ah  Ganacsiga caalamiga ah ayaa wajahaya jahwareer Qiimaha badeecadaha ayaa sare u kacaya suuqyadii maalgelinta ayaa la isku halleyn karin shirkado badan ayaa hakiyey qorshahoodii balaadhinta halka ganacsatada yaryari ay dareemayaan culeyska is bedbedelka ganacsi  Waxaa intaa dheer in macaamiisha Mareykanka ay dareemayaan saameynta tooska ah alaabtii ay horay si fudud u heli jireen ayaa qaali noqotay ama suuqa laga waayey Waxaa sidoo kale sare u kacaya xasilooni darro siyaasadeed oo gacan ka geysaneysa niyad jabka bulshada  Marka la fiiriyo muuqaalka guud dagaalka ganacsiga ee uu Trump bilaabay waa mid ka wayn dagaal u dhexeeya laba dal Waa dagaal ka dhan ah nidaam ganacsi oo muddo dheer jiray kaas oo uu Trump u arko in uu ahaa mid caddaalad darro ah oo Mareykanka khasaaro geliyay  Haddii dagaalkan uu guuleysto ama guuldareysto wuxuu durba dhiirrigelinayaa dood weyn oo ku saabsan mustaqbalka ganacsiga caalamiga ah isbedelka quwadda dhaqaale iyo sida ay dawladaha u difaacan karaan danahooda gudaha  Sida ay wax u socdaan dagaalka ganacsigu ma aha oo kaliya canshuur iyo badeecooyin balse waa dagaal ku saabsan cidda maamuleysa habka uu dhaqaalaha adduunku u shaqeynayo
10-April-2025

 

Warka maanta - (Caaqil News)-   Si lama filaan ah wararka caalamiga ah ayaa mar kale si weyn diiradda u saaray dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha dagaal uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Donald Trump Inkastoo markii hore loo arkayay olole guud oo Mareykanka uu ku doonayo inuu wax uga beddelo ganacsiga caalamiga ah haddana hadda waxay umuuqataa in dagaalkani uu u eg yahay mid ku kooban laba quwadood oo is hor fadhiya America iyo China


Markii uu ku dhawaaqay Trump inuu joojinayo sagaashan maalmood oo tacriif sare ah oo uu horey ugu soo rogay qaar ka mid ah dalalka adduunka dad badan ayaa u arkay inuu isbedel ku yimid xag jirnimadiisii ganacsi Laakiin joojintaasi kama dhigna in Mareykanku uu dib uga guray dagaalkaas Halkii laga filayay in la abuuro xasillooni ganacsi oo caalami ah Trump wuxuu si gaar ah diiradda u saaray Shiinaha wuxuuna qaaday tallaabooyin uu uga gol leeyahay in uu burburiyo xuduudaha dhaqaale ee Beijing

Shiinaha oo ah dalka ugu weyn adduunka ee wax soo saarka warshadaha ayaa si gaar ah loogu beegsanayaa talaabooyinka ganacsi ee Trump Tacriifadaha cusub ee uu Trump ku dhawaaqay ayaa gaaraya ilaa boqol iyo shan iyo labaatan boqolkiiba badeecadaha laga keeno Shiinaha taas oo si weyn uga sareysa toban boqolkiiba guud ahaan tacriifaha kale ee dalalka kale lagu soo rogay IPhones qalabka carruurta agabka korontada iyo waxyaabo kale oo badan ayaa la filayaa in qiimahoodu kor u kaco taasoo si toos ah u saameyn doonta macaamiisha Mareykanka

Waxaa la sheegaa in Shiinuhu yahay ilaha qiyaastii afar iyo toban boqolkiiba dhammaan badeecadaha ay isticmaalaan dadka Mareykanka Marka la eego xisaabtaas waxay cadahay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada waddan uu yeelanayo saameyn toos ah oo ballaaran

Trump ayaa sheegay in sababta uu ugu go’aansaday inuu sare u qaado tacriifaha badeecadaha Shiinaha laga keeno ay tahay mid ka dhalatay ficilka Shiinaha ee uu ku sheegay ixtiraam la aan iyadoo Beijing ay iyaduna kordhisay canshuuraha ay ku soo rogtay badeecadaha Mareykanka oo gaartay ilaa afar iyo siddeetan boqolkiiba Wuxuu sheegay in tallaabada Shiinaha ay muujinayso inaysan diyaar u ahayn inay si caddaalad ah ula macaamilaan Mareykanka

Si kastaba ha ahaatee haddii aan si qoto dheer u eegno arrintu ma aha oo kaliya aargoosi ama kacsanaan degdeg ah oo siyaasadeed Waxaa muuqata in dagaalkan ganacsi uu salka ku hayo qorshe dheer oo Trump uu horey u dejiyay qorshe uu doonayo in uu wax ka beddelo qaabka uu u shaqeeyo nidaamka ganacsiga caalamiga ah

Trump wuxuu aaminsan yahay in nidaamka ganacsiga caalamiga ah uu si aan caddaalad ahayn ugu xeeran yahay quwado kale sida Shiinaha halka Mareykanku uu yahay dalka ugu badan ee khasaaraha ka dhaxla nidaamkaas Inkastoo muddo dheer la aaminsanaa in ganacsiga furan uu kor u qaadayo horumarka shaqo abuurka iyo is dhexgalka dhaqaalaha caalamiga ah haddana Trump wuxuu sheegayaa in fikirkaasi yahay mid la buunbuuniyay

Ma aanan haysan waqti aan ku sameyno wax sax ah taas oo aan hadda sameyneyno ayuu yiri Trump Sida laga dheehan karo hadalkiisa Trump wuxuu doonayaa inuu isticmaalo fursadda uu mar kale u helay olole siyaasadeed si uu ugu ololeeyo isbedelka waqti dheer la sugayay in Mareykanka uu ka baxo doorka macmiilka adduunka kuna noqdo mid difaaca danihiisa

Mid ka mid ah daldaloolada uu Trump si gaar ah diiradda u saaray ayaa ah saameynta uu ganacsiga caalamiga ah ku leeyahay suuqa shaqada Mareykanka Waxaa jiray eedeyn ah in shirkadaha waaweyn ee Mareykanka ay shaqooyin badan u wareejiyeen dibadda si ay uga faa’iideystaan shaqaale jaban iyo sharciyo la aan xagga deegaanka iyo shaqaalaha ah

Shirkado badan ayaa bilaabay inay warshadahooda u raraan Shiinaha Vietnam iyo meelo kale oo ay shaqaale jaban ka heli karaan Arrintani waxay si toos ah u dhaawacday shaqaalaha Mareykanka ee ku tiirsanaa warshadaha gudaha

Trump wuxuu qaatay mowqif adag oo ah in Mareykanka laga ilaaliyo dhaqaalaha dhuxul beelka ee uu Shiinuhu hormuudka ka yahay wuxuuna doonayaa in la helo istaraatiijiyad suurtagal ah oo dalka lagu soo celin karo wax soo saarkiisa

Shiinaha ma aha mid si fudud u oggolaanaya in la cabburiyo Wuxuu leeyahay istaraatiijiyad fog oo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ah Beijing waxay ku doodeysaa in Mareykanku yahay kan bilaabay dagaalka isla markaana Shiinaha uu xaq u leeyahay inuu is difaaco

Dowladda Shiinaha waxay sidoo kale dib u eegis ku sameyneysaa xiriirka ay la leedahay ganacsatada Mareykanka iyadoo bilaabayso inay xakameyso badeecadaha muhiimka ah sida agabka elektarooniga biraha qaaliga ah iyo teknoolojiyadda casriga ah Tani waxay u dhigantaa in Shiinaha uu yahay mid aan si fudud la jebin karin taasoo ka dhigaysa dagaalka ganacsi mid sii dheeraan kara oo aan lahayn guul degdeg ah

Ganacsiga caalamiga ah ayaa wajahaya jahwareer Qiimaha badeecadaha ayaa sare u kacaya suuqyadii maalgelinta ayaa la isku halleyn karin shirkado badan ayaa hakiyey qorshahoodii balaadhinta halka ganacsatada yaryari ay dareemayaan culeyska is bedbedelka ganacsi

Waxaa intaa dheer in macaamiisha Mareykanka ay dareemayaan saameynta tooska ah alaabtii ay horay si fudud u heli jireen ayaa qaali noqotay ama suuqa laga waayey Waxaa sidoo kale sare u kacaya xasilooni darro siyaasadeed oo gacan ka geysaneysa niyad jabka bulshada

Marka la fiiriyo muuqaalka guud dagaalka ganacsiga ee uu Trump bilaabay waa mid ka wayn dagaal u dhexeeya laba dal Waa dagaal ka dhan ah nidaam ganacsi oo muddo dheer jiray kaas oo uu Trump u arko in uu ahaa mid caddaalad darro ah oo Mareykanka khasaaro geliyay

Haddii dagaalkan uu guuleysto ama guuldareysto wuxuu durba dhiirrigelinayaa dood weyn oo ku saabsan mustaqbalka ganacsiga caalamiga ah isbedelka quwadda dhaqaale iyo sida ay dawladaha u difaacan karaan danahooda gudaha

Sida ay wax u socdaan dagaalka ganacsigu ma aha oo kaliya canshuur iyo badeecooyin balse waa dagaal ku saabsan cidda maamuleysa habka uu dhaqaalaha adduunku u shaqeynayo

Post a Comment

0 Comments