![]() |
19-April-2025 |
Warka maanta - (Caaqil News)- Iyadoo xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareerayso ayaa duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen Khamiistii lasoo dhaafay waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac baaxad leh oo ka dhacay deked muhiim ah oo ku taalla galbeedka dalka Yemen. Duqeymahan oo lagu bartilmaameedsaday dekedda Raas Ciisa ee gobolka Xudeyda ayaa noqday kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii Mareykanka uu sare u qaaday ololihiisa cirka ah ee ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta bishii hore
Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay Jimcihii in ugu yaraan 74 qof ay ku dhinteen weerarkan halka 171 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa isugu jiray shaqaale dekedda ka howlgalayay shaqaale caafimaad iyo dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi. Tiradan ayaa ah mid ka dhigaysa weerarkan mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolkaas dhowrkii sano ee u dambeysay
Mareykanku waxa uu sheegay in weerarkani u ka danbeeyo kadib markii xog sirdoon laga helay lagu ogaadey in kooxda Xuutiyiinta ay dekeddaasi u adeegsato dhaqaale sharci-darro ah taas oo qayb ka ah dakhligooda dagaal iyo sidii ay u sii wadi lahaayeen weerarada ka dhanka ah Israel iyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan gobolka
Taliska dhexe ee Mareykanka CENTCOM ayaa war rasmi ah ku sheegay in duqeyntan looga gol lahaa in lagu wiiqo awoodda dhaqaale ee Xuutiyiinta si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan ciidamada gobolka iyo maraakiibta xamuulka ee maraysa marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas. Ujeeddada weerarradan waxay ahayd in la dhimayo isha dhaqaale ee awoodda Xuutiyiinta kuwaasoo sii wada ka faa'iidaysiga iyo xanuunka weyn u keenaya walaalahooda ayuu yiri CENTCOM
Balse Xuutiyiinta oo taageero buuxda ka hela dowladda Iran ayaa wacad ku maray in aysan ka laaban doonin hawlgalada ay ka wadaan gobolka gaar ahaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta
Bayaan kasoo baxay kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in Yemen aysan ka laaban doonin taageerada walaalaha reer Falastiin illaa gardarrada Israel ee Gaza ay joogsato lagana qaado go’doominta ba’an ee ay Israel kusii hayso Gaza
Sidoo kale kooxda ayaa sheegtay in duqeymaha Mareykanka ay horseedi doonaan kaliya beegsi dheeraad ah ka-qaybgal ballaaran iyo iska hor imaad
Dhanka kale ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka ayaa xaqiijiyay in diyaarad Drone ah oo nuuca MQ-9 Reaper ah oo ay leeyihiin la soo riday Jimcihii taas oo noqoneysa diyaaraddii lixaad ee noocaan ah oo laga soo rido hawada Yemen tan iyo 3-dii March. Diyaaraddan oo qiimaheedu yahay 30 milyan oo dollar ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan ee Mareykanku adeegsado iyadoo Maraykanku uu kaydkiisa ugu jiro in ka badan 200 oo diyaaradood oo nuucaan ah
Xaaladda gobolka ayaa noqonaysa mid sii cakiran iyadoo Isniintii lasoo dhaafay Xuutiyiinta ay sidoo kale weerar ku qaadeen markab ganacsi oo marayay Badda Cas inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah. Weeraradan joogtada ah ayaa waxyeelo ku haya isu socodka ganacsiga caalamiga ah ee marin-biyoodkaasi muhiimka u yahay
Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka aysan illaa iyo hadda wax saameyn weyn ah ku yeelan awoodda militari ee kooxda Xuutiyiinta maadaama ay haystaan goobo badan oo keyd ah iyo taageero farsamo iyo mid qalab oo ka timaadda Iran
Sidoo kale warbixinnada ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya in khasaaraha rayidka ee weeraradan uu sababay caro xoog leh oo ka dhex dhalatay bulshada Yemen. Qaar ka mid ah ururrada xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay weerarka iyagoo sheegay in Maraykanku uu leeyahay mas’uuliyad sharci iyo mid bini’aadantinimo ah oo ka ilaalinaysa rayidka waxyeello
Dhanka siyaasadda dowladda Mareykanka ayaa wajahaysa dhaleeceyn gudaha iyo dibaddaba ah oo ku aaddan duqeymaha ay ka waddo Yemen iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada Mareykanka ay ku baaqeen in la joojiyo weeraradaasi oo aan wax xal ah u keenayn xaaladda gobolka
Diblomaasiyiin u hadlay dowladda Mareykanka ayaa difaacay weerarada iyagoo ku tilmaamay mid isdifaac iyo ilaalin marinnada caalamiga ah ah balse waxay sidoo kale qireen in looga baahan yahay in la yareeyo khasaaraha rayidka
Xukuumadda Xuutiyiinta oo gacanta ku haysa inta badan waqooyiga Yemen ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii hore weerarro ku beegaysay maraakiib ganacsi iyo kuwa militari oo maraya Badda Cas iyadoo sheegtay inay taageerayso shacabka Falastiiniyiinta ee Gaza. Taageerada ay Iran siiso kooxda Xuutiyiinta ayaa sababtay in xiisadda gobolka ay kasii dartay iyadoo dalal badan oo reer galbeed ah ay walaac ka muujiyeen halista ay kooxdaasi ku hayso ganacsiga caalamiga ah
Isku soo wada duuboo xaaladda Yemen ayaa u muuqata mid sii xumaanaysa iyadoo dagaallo cusub iyo duqeymo cirka ah laga cabsi qabo inay dhacaan maalmaha soo socda. Inkastoo Mareykanka uu sheegay in duqeymihiisu yihiin kuwo bartilmaameed leh oo aan la doonayn in lagu waxyeelleeyo shacabka Yemen haddana khasaaraha dadka rayidka ah ee soo gaadhay ayaa sare u kiciyay su’aalo ku saabsan cawaaqibka weeraradaasi iyo jihada uu u jihaysan yahay dagaalka gobolka
Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in haddii xaaladda ay sidan ku sii socoto colaadda gobolka ay noqoto mid aan la xakamayn karin oo saamayn ku yeelata dhammaan Badda Cas marin-biyoodka Suez iyo ganacsiga caalamka
Madaxa hay’adaha caafimaadka ee Xudeyda ayaa sheegay in isbitaalada gobolka ay buux dhaafiyeen dhaawacyadii weerarka Khamiistii isla markaana qaar ka mid ah dhaawacyada culus loo qaaday caasimadda Sanca si halkaas loogu daweeyo
Weli lama oga in Mareykanka uu qorsheynayo weeraro kale oo dhanka cirka ah balse saraakiisha CENTCOM ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan talaabooyinka lagaga hortagayo khatarta Xuutiyiinta ee Badda Cas
Inkasta oo xaaladdu cakiran tahay haddana waxaa muuqata in xiisadda Yemen ay qayb ka tahay is-qabqabsiga ballaaran ee gobolka gaar ahaan xilli Israel ay dagaal ka wado Gaza Iran-na ay si dadban ugu lug leedahay colaadaha gobolka
0 Comments